Safaarado badan oo laga dhisayo Muqdisho, balse maxay tahay faa’iidada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Marka la eego xiriirka caalamiga, dal walbaa oo xiriir dhow la sameeyo dal kale wuxuu leeyahay safaarad uu ku yeelano magaalo madaxda dalkaasi, isagoo qunsiliyado geysan kara magaalooyinka kale ee dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha leh.

Safaaradaha ku yaala magaalada Muqdisho waxay badankood yihiin kuwo aan dhisneyn, waxaana qaarkood degen dad danyar ah oo hooyo ka dhigtay sanadihii ugu dambeeyay.

Waxaana dhamaan safiirada lasoo magacaabo ay ku shaqeeyaan  dhismayaal kunteenaro ah oo laga dhisay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho dhexdiisa iyo madaxtooyada Soomaaliya, waxaana kamid ah safaarada Ethiopia oo madaxtooyada ku dhextaala.

Safaaradaha kale ee ugu dhow ayaa ku shaqeeyo hoteelo ay kireysteen, iyaga oo ka fogaanaya inay dhaqaalo ku bixiyaan dhismaha dhulka ay ku leeyihiin gudaha magaalada Muqdisho.

Haddii safaaradaha ay dhulalkooda ku yaala magaalada Muqdisho dhistaan waxaa laga dhaxlo karaa labo arin oo ku aadan in dhaqaalaha dhismaha safaaradaha uu soo gaaro shacabka Soomaaliya islamarkaana ay ka qeyb qaataan bilicda magaalada.

Sidoo kale arinta labaad ee laga faa’iidayo ayaa ah inay safaarada ka qeyb qaadan doonaan dhanka amaanka oo safaarad walbaa waxay ilaalin doonaan agagaarkeeda amniga ku xeendhaaban.

Waxyaabaha kale ee laga faa’iidayo ayaa ah in safaarada ay si wanaagsan u shaqeeyaan haddii ay dhulkooda dhistaan, sababtoo ah hadda waxay ka fakarayaan kaliya shaqaalahooda oo u dhex dagan garoonka diyaaradaha.

Madaxbanaanida dalka ayay xaqiijin doontaa haddii safaaradaha ay u shaqeeyaan si ka duwan sida ay hadda u shaqeeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com