Farmaajo iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo arrimo dhowr ah ka wadahadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in kulan gaar ah xalay uu dhexmaray madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe.

Kulankaasi ayaa daba socday kulan habeen hore dhexmaray madaxweynaha Ahlu sunna iyo ra’iisul wasaaraha dalka oo ay wehliyaan wasiiro iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka.

Kulanka xalay ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya ayaa diirada lagu saaray kordhinta iyo xoojinta wadahadalada u dhaxeeya maamulada Galmudug iyo Ahlu sunna, si maamul wadajir ah looga soo saaro deegaanada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Sheikh Shaakir inay ka go’an tahay maamul mideysan oo kasoo baxa deegaanada Galmudug, waxaana madaxweynaha Ahlu sunna oo u muuqdaa mid la dhacsan Farmaajo.

Sheikh Shaakir ayaa aad uga soo horjeeday dowladii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana uu iminka sheegay inuu doonayo midnada ummada Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com