Agaasimihii lagu xiray amarkii wasiirka oo saacado kadib xabsiga laga sii daayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in saacado kadib xabsiga laga sii daayay agaasimaha guud ee isbitaalka Jowhar oo lagu xiraya mar kasoo baxay wasiirka arimaha gudaha HirShabeele.

Wararka ayaa sheegaya in dadaal dheer kadib lasii daayay Xasan Mahad Cabdi Agaasimaha isbitaalka Jowhar oo ay gacanta ay ku heysay hay’adda Intersos oo fadigeeda yahay dalka Talyaaniga.

Xasan Mahad Cabdi ayaa xalay ciidamo ka tirsan maamulka Hirshabeele waxay ka xireen xaafadiisa oo ku yaala Hantiwadaag, waxaana la sheegay inuu diiday amar kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha.

Amarka ayaa ahaa sida wararka ay sheegayaan in hay’adda gacanta ku heysaa isbitaalka laga diiwaan geliyo wasaarada arimaha gudaha halka wararka kale ay sheegayaan in amarka uu ahaa in isbitaalka ay isaga guuraan.

Isbitaalka oo tan iyo 1993 gacanta ay ku heysay Hay’adda Intersos ee dalka Talyaaniga ayaa lagu daweeyaa dhamaan bukaanada ka yimaada deegaanada HirShabeele.

Banaanbax ka dhacay magaalada Jowhar ayaa saaka looga soo horjeeday xeritaanka Xasan Mahad Cabdi, waxaana markii dambe saldhiga laga sii daayay Xasan Mahad.

Xasan Mahad ayaa ah dadka deegaanka Jowhar waxaana si weyn looga yaqaanaa magaalada maadaama sanado badan uu hayay maamulka isbitaalka Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com