Muxuu yahay qorshe uu Kheyre ka leeyahay booqashada xarumaha wasaaradaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay booqashooyinka kediska ah ee uu ku tagaayo Xarumaha Dowlada Federaalka, gaar ahaan Wasaaradaha.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in booqashadiisa ay tahay mid lagu xaqiijinaayo hadafka shaqo ee Xukuumada Somalia, waxa uuna cadeeyay in booqashooyinka noocaani ah ay meesha ka saareyso in Mas’uuliyiinta dowlada ay dayacaan shaqooyinka loo igmaday.

Kheyre waxa uu tilmaamay in Xukuumadiisu ay ka go’an tahay la socodka shaqooyinka ka socda xarumaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee dowlada.

Waxa uu sheegay in Xukuumadu aysan u dulqaadan doonin in Mas’uul shaqo ku magacaaban uu dayaco shaqadiisa Qaran, waxa uuna carab dhabay in booqashada ay noqon doonto mid taxana ah, isla markaana aan la ogeysiin doonin Xarumaha la booqan doono.

Ra’isul wasaaraha Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in Ujeedka booqashada ay tahay in la dhiiri galiyo dhammaan Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha Xarumaha dowlada, waxa uuna ballanqaaday in lala xisaabtami doono cidii dayacda shaqada loo igmaday.

”Wey socon doontaa booqashada waxaan ula gol leenahay inaan sara qaadno dareenka shaqaalaha dowlada si ay ahmiyad usiiyaan howlaha ay u hayaan Qaranka, waayo waxaa mas’uuliyad naga saaran amaanada aan u heyno shacabkeena”

Ra’isul wasaaraha Xukuumada ayaa Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha dowlada ku bogaadiyay inay xoojiyaan shaqooyinka ay u hayaan Qaranka.

Dhinaca kale, waxa uu dhankiisa ka ballanqaaday in shaqaalaha dowlada ay heli doonaan xuquuq dhameystiran oo joogta ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com