DF iyo maamullada oo ku heshiiyey tiro aan la fileynin oo laga dhigayo ciidamada xoogga dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online ayaa heshay Document muujinayo heshiisyo dhex maray dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada kaasoo aan saxaafadda lala wadaagin.

Heshiisyada aan saxaafadda lala wadaagin oo ay caasimadda Online heshay ayaa wuxuu khuseeyaa qaabka loo marayo dhisidda Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed noocyadiisa kala duwan.

Document-ga aan helnay ayaa idinkula wadaagi doonaa warbixino kala duwan, waxaana warbixintaan hadda kusoo bandhigeynaa tirada Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed oo ay isla go’aansadeen Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Sida uu muujinayo Document-ga ay Caasimadda Heshay waxaa lagu heshiiyey inay Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed noqdaan 18,000 (Sideed iyo Toban Kun).

” Ciidamada Xoogga Dalka waxay noqon doonaa 18,000 Kun oo askari, oo ay ku jiraan Ciidamada (Danab), Kuwa Cirka iyo Badda” ayaa lagu qoray heshiiska dhex maray dowladda iyo Maamul Goboleedyada, wuxuuna ku qornaa Document-ga aan helnay Luuqadda Ingiriiska.

Waxaa lagu sheegay heshiiskaas in ciidamada loo kala qeybin doono qeybaha kala ah: 12th, 21st, 43rd, 49th, 48th, 54th, 26th iyo 60th, waxaana shaqada kala qeybinta lagu soo dhameystiri doono muddo 6 bil ah oo ka bilaabaneyso 1 June 2017.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in qeyb kasta oo kamid ah qeybaha kor ku xusan ay kamid noqon doonaa 500 oo ka tirsan Ciidamada loo yaqaan DANAB, waxaana saldhigga ugu weyn ee DANAB laga dhigi doonaa Balidoogle, iyadoo shaqadaas lagu qaban doono muddo 6 bil ah oo ka bilaabaneyso 1 June 2017.

Marka loo fiiriyo xaaladda dalka uu marayo iyo Dhibaatada heysato Soomaaliya waxaa muuqato inay Ciidamada aad u yar yihiin, aysanna gaar siisneyn halkii laga rabay.

Waxaa jiro Dhibaatooyin badan oo diidayo in Ciidamada Soomaaliyeed la badiyo, waxaana ugu horeyso mushaarkooda oo aysan awoodin dowladda Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa ku farxi doonto tiradaan yar ee la go’aamiyey inay noqon doonaa Ciidamada Xoogga Dalka oo la filayo in dhawaan tabar loo sameeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com