Diyaarad ciidan oo ku dhacday Turkiga iyo saraakiil dhowr ah oo ku dhintay

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradaani oo aheyd nooca loo yaqaan Helikopterka ayaa ku dhacday deegaan ku yaalla inta u dhexeysa Degmooyinka Pulumur iyo Ovacik ee dalka Turkiga.

Diyaarada burburtay ayaa waxaa la socday Sarkaal sare oo ka tirsan Boliska iyo Saraakiil dhinaca Garsoorka ah, oo xiligaa ku guda jiray shaqooyinkooda.

Diyaarada ayaa waxaa la sheegay inay la socdeen Laba Garsoore iyo Todobo Saraakiil Boolis ah, waxaana wehlinaayay ilaa Seddex ruux oo kamid ahaa shaqaalaha diyaarada.

Shilka diyaarada ayaa waxaa ku geeriyooday 8 Saraakiil Boolis ah oo ku guda jiray howlo shaqo.

Baarayaasha ayaa sheegay in cilada sababtay dhicida diyaarada ay tahay roob ka da’aayay deegaanka ay diyaarada ku dhacday iyo ceeryaamo hareereeyay diyaarada.

Geesta kale, waxaa hadda socda baaritaan lagu xaqiijinaayo ciladaha kale ee heystay diyaarada dhacday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com