Farmaajo oo shaqo aad muhiim u ah ku aaminay Cabdiraxman Ceynte

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirto qaban qaabadii ugu dambeysay oo loogu diyaar garoobayo shirka London ka furmayo ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Haddaba Caasimadda Online ayaa heshay xog ku saabsan cidda ay dowladda Soomaaliya u magacawday Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka London ee dhinaca dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Yuusuf Cali Caynte ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka London sida aan ku helnay xogta aan ka helnay Villa Soomaaliya.

Shirka London ayaa la filayaa inuu dhawaan ka furmo Magaalada London, waxaana looga hadli doono arrimo ku aadan Soomaaliya, xag amni, mid dhaqaale, mid ciidan, iyo dhammaan horumarka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho isugu yeertay dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada dalka si looga hadlo arrimaha shirka London, waxayna dowladda iyo Maamul Goboleedyada isku af garteen inay hal go’aan oo mideysan la tagaan halkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxda Maamul Goboleedyada u sheegay inay dowladda uga dambeeyaan dhammaan go’aanada ku aadan shirka marka la tago Magaalada London.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com