“Dowlad timid 2017 ma aha inay culeys ku noqoto maqaamka caasimadda”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay waxqabadkii dowladii Xasan Sheikh Maxamuud iyo waxqabadka dowladda hadda dhisan ee dhanka dhismaha maamulada.

Yuusuf Garaad ayaa sheega in dowladii uu hogaaminayay madaxweyne Xasan Sheikh Dhibaato badan kadib iney ku guuleysatay dhismaha maamul goboleedyada hadda ka jira dalka qaarkood.

Wuxuu sheegay in awood, isku dhac iyo Khilaaf badan kadib uu ku guuleystay inuu dhiso maamulada Hirshabeelle, Galmudug, Jubbaland iyo Koofur Galbeed, waxaana ka horeeyay maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay in dowladda hadda dhisan looga baahan yahay inay ka shaqeyso dhismaha maqaamka gobolka Banaadir, waxaana uu si dadban u weeraray dowladda.

“Dowladdii xilka qabatay 2012, Khilaaf, muran, gacan maroojis xanuun badan iyo isku dhac ka dib waxay aqbashay ama iyadu ay hirgelisay unkidda Afar Dowlad Goboleed”

“Dowladda Xilka qabatay 2017 ma ahan in uu culeys ku noqdo Maqaamka Caasimaddu, si uu u dhammaystirmo heykalka Federaalku”ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda xiriir aan wanaagsan uu kala dhaxeeyaa dowlad goboleedyada kale ee dalka, waxaana muuqata in hadda isbaheysi cusub uu ka dhex abuurmay Puntland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Garowe ayaa lagu kala booday, waxaana Galmudug iyo Jubbaland ay ku qanci waayeen waxyaabaha shirka la keenay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com