Dowlada Eritrea oo kusoo biirtay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowlada Erateriya ayaa la sheegay inay door mihiim ah ka ciyaari doonto wada haddalada Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado inay dib u furmi doonaan dhawaan, iyadoo todobaadkan Somaliland ay socdaal ku yimadeen wefti culus oo ka socda Dowlada Erateriya oo usoo diray Madaxqweynaha Dalkaa Isaias Afwerki.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hore u sheegay inuu Madaxweynaha dalka Erateriya uu door mihiim ah ka ciyaarayo is badelka Geeska Afrika ka curtay, isagoo ku amaanay Mr Isaias Afwerki halgankii uu soo galay gobanimadoonkii dalkiisa Erateriya.

Biixi ayaa yiri “Dabaysha ka socota ee la yidhi nabadayta geeska Afrika iyo waa laga midoobayaa ay Dowladaha qaarkood ku dhawaqeen , waxa u hormood ah Madaxweynaha erateriya Isaias Afwerki  intii uu noolaa ilaa maalintuu isagoo injineer bilaabay sanadka uu horeeya uu ka tegay ilaa maanta wuxuu ku jiray Dagaal uu gobanimada ugu doonayo Erateriya 32 sano dagaal ayuu ku jiray markii dagaalkii uu dhammaday Itoobiya ayaa cod ka qaaday  oo Xorriyad ayuu ku qaatay , haddan Itoobiya ayey is dileen oo ay dal isku qabsadeen dad badan oo malaayiin gaadha ayaa ku dhintay haddana 11 sano oo kale ayuu gadoon ahaa oo uu u adkaystay cadaasit kasta oo la saaray, inuu u hoggaansamo gudidii jimciyada quruumaha ka dhaxasa ee shirkii Algerias inuu aqbalo isagoo uga diiday afar mitir oo dadlkiisa oo Baadhama Tuullada ah  xadka u jirta in laga qaado oo cid kale la siiyo ayuu tu wal-ba u maray tiisii ayey noqotay caalamka oo dhan ayaa halkiisii ugu yimi Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa la idhi ugu tag Asmara adigu oo dhulkii dhulkii aad ku muranteena sii isagana talada ka qaado , wuxuu muujiyey inuu muraadkii uu dalkiisu lahaa halgan uu uga hadhi waayey ilaa cidii ku haysatay uu ku xukuntay.”

Waxaanu intaasi ku daray Madaxweyne Biixi in qadiyada Somaliland ay ka sii adagtahay taa uu kasoo waramay ee Dalka Erateriya “Somaliland kaa wey ka sii adag tahay.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi

Dhanka kalene Ismaaciil Xuseen Farjar, oo ka tirsan xarunta daraasaadka siyaasadda ee loo soo gaabiyo magaceeda CPA ayaa sheegay inay Erateriya ay door ku yaalan doonto wada haddalada Somaliland iyo Soomaaliya.

“Door mihiim ah ayey ku yeelan kartaa laba arrimood-ba mar erateriya waxay haatan xubin fir-fircoon ka tahay urur goboleedka IGAD , markaa IGAD-na waa dadka gobolka ee ugu dhow arrinta Soomaalida in go’aan laga gaadho , qodobla labaadna waxa weeye Erateriya waxay saxiib dhow wakhti dheer la’ahayd Soomaaliya oo Madaxweyne Farmaajona aad ayey iskugu dhow yihiin marka aad iminka eegtid siyaasadda erateriya xiligii inoogu dambaysay, markaa saamayn badan ayey ku yeelan kartaa .”

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com