Sabriye: Shirka Garoowe inuu baaqdo dib maaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa faahfaahin ka bixiyay shirka madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada u dhaxeeya ee ka dhacaya magaalada Garowe.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay in shirkaasi uu ka dhacayo magaalada Garowe dhamaadka bishaan Maarso, waxaana uu sheegay in shirkaasi uu yahay mid dhexmaraya madaxda dowadda iyo maamul goboleedyada.

Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay in shirkaasi uu ka dhacayo magaalada Garowe, balse wuxuu sheegay in haddii uu baaqdo uu lamid yahay shirarkii lagu balami jiray ee mararka qaar baaqan jiray.

“Shirkaasi aniga intaan ogahay waxaa loo balansan tahay 26 ilaa 27 bishaan, inuu dib u dhacaana ma ahan wax qariib ah wey dhici kartaa inuu dib u dhaco, laakiin qorshaha hadda  aan ku joogno waa bisha dhamaadkeeda”

Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha ayaa ka hadlay muddo kororsiga ay sameeyeen madaxda Galmudug iyo doorashada la filayo inay ka dhacdo deegaanada maamulka Galmudug.

Wuxuu sheegay in muddo kororsi aysan macquul aheyn islamarkaana madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxda Galmudug ay ka shaqeyn doonaan sidii arimahaasi loo dhameyn lahaa.

“Muddo xileed markey bilaabeneysay la yiri waa afar sano, dhexda in laga badalaa sharci ma noqoneyso, waxaana kuu sheegaya, haddi la yiraahdo Galmudug Daruufo gaar ah ayay qabtaa, waxay maran doontaa inta dowlad goboleed ee soo hartay iyo federaal oo dhan,  wax badan ayaa qorsheyneynaa in wadahadal aan galno”ayuu yiri Cabdi Sabriye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com