Dowlada Iran oo u jawaabtay sirdoonka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Iran ayaa war kasoo saartay labo muwaadin oo u dhashay dalkaasi oo lagu xiray magaalada Muqdisho islamarkaana gacanta ugu jiro ciidamada sirdoonka qaranka Soomaaliya.

Warbaahinta dalka Iran ayaa baahisay sida dowlada Iran kaga carootay falka lagu xiray labada ruux ee u dhashay dalkaasi oo la sheegay in fikir Shiiceyn ah ay ka wadeen dalka Soomaaliya.

Javad Dehghan, oo ah siihaya safaarada Iran ee Soomaaliya ayaa sheegay iney ka xun yihiin xariga loo geystay labada ruux ee Iraaniyiinta ah, wuxuna sheegay iney cambaareynayaan.

Wuxuu dalbaday in labadooda dib loo siiyo xuriyadooda, laakiin ma uusan beenin ama rumeyn in fikirka Shiiceynta ay ka wadeen dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Mas’uulkaasi ayaa sheegay in xabsiyada gacanta ay ku hayaan nabad sugida oo raga Iranianka ah ay ku jiraan ay tahay meel si xun loola tacaamulo maxaabiista ku jirta.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa labada ruux ka xiray magaalada Muqdisho, waxaana markii dambe lasoo bandhigay sawiradooda iyo Passpor-radooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com