DF oo baareysa lacag boorsooyin lagu qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa baaritaano ku waddo dhaqaalo horey loogu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo la doonayay in loo gudbiyo koox burcad badeed ah, taasi oo la sheegay in Jabuuti loo qaaday.

Hanta dhowraha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Nuur Faarax Jimcaale, oo la hadlayay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanada looga baahan yahay iney dabagal ku sameeyaan arimahaasi oo kale.

Wuxuu tilmaamay in hanti dhowrka qaranka uu ku raad joogo dhaqaalahaasi oo la sheegay in boorsooyin looga qaaday magaalada Muqdisho lagana dajiyay dalka Jabuuti, sida uu sheegay Dr Nuur.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hanti dhowrka qaranka Soomaaliya uu waddo baaritaano kale oo ku aadan sida ay suurto gal ku noqotay in dhaqaalahaasi laga qaado dalka Soomaaliya.

“lacago aan ku dabajirno ayaa jiro lacagtaasi boorsooyin ayaa Muqdisho looga qaaday oo dalka Jabuuti ayaa la geeyay, lacagta waxay aheyd middii la qabtay xiligii Farmaajo ra’iisul wasaaraha ahaa”ayuu yiri Dr Nuur Faarax.

Lacagtaasi ayaa xiligii dowladii Sheikh Shariif waxaa diyaarad lagu keenay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana la doonayay xiligaasi in loo geeyo koox burcad badeed aheyd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com