XOG JAWAARI oo ka shaqeynaaya burburka M/K/Galbeed & Kulamo qarsoodi ah oo socda

Muqdisho(Caasimada Online):-Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Siyaasad ahaan kasoo horjeeda Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa qorsheynaaya inuu hago maamulka gacan ku rimiska ee Bakool looga dhawaaqay.

Guddoomiyaha BFS Jawaari ayaa saacadihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho kawada kulamo qarsoodi ah oo uu la qaadanaayo tirro Xildhibaano ka tirsan BFS oo kasoo jeeda Beesha Ogaden.

Guddoomiyaha ayaa Xildhibaanadaasi ku boorinaaya inay kamiro dhaliyaan hankooda Siyaasadeed waxa uuna u ballanqaadayaa in dhankiisa ay ka heli doonaan garab.

Jawaari ayaa la xaqiijinayaa inuu kaalin ku lahaa dhismaha maamulka Bakool, islamarkaana ay Xildhibaanadaasi socdaalkooda ka hor ay Guddoomiyaha kala tashteen yagleelida maamulkaasi lagu carqaladeynaayo kan Koonfur Galbeed ee Somalia.

Jawaari ayaa dhowr jeer ka baaqday socdaal isaga iyo Madaxweyne Xassan Sheekh ay ku gaari lahaayen magaalada Baydhaba, sababo la xiriira khilaafka kala dhexeeya Shariif Xassan, waana tan keentay in Beesha Ogaden uu garab kusiiyo dhismaha maamulka Bakool.

Si kastaba ha ahaate, DFS ayaa ka caga jiideysa inay xal u raadiso muranka ka dhexeeya Koonfur Galbeed iyo Xildhibaanada Beesha Ogaden ugu jiro BFS, kaasi oo iminka gaarsiisan heer colaadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com