”Anigu Xassan Sheekh kama baqaayo waana u sheegayaa in Somalia uu iibsaday”

Muqdisho(Caasimada Online):-Axmed Salaad oo kamid ah Odayaasha dhaqanka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay Siyaasadaha is diidan oo ay hogaamineyso DFS.

Axmed Salaad ayaa sheegay in marka hore uu aad uga xunyahay habdhaqanka madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Siyaasiyiinta dalka, waxa uuna tilmaamay in gabi ahaantooda ay yihiin kuwo iibinaaya dalka iyo kuwo raali galinaaya beelaha ay kasoo jeedan.

Waxa uu sheegay in mudada uu Xassan Sheekh hayo xilka uu cagta mariyay Kheyraadka dalka, waxa uuna sheegay in Badda Somalia ay ka faa’iideystaan Ciidamada AMISOM iyo Dowlado shisheeye.

Ciidamada AMISOM ayuu sheegay in Somalia ay la imaaden doonyo dheereeya kuwaasi oo ay ku gurtaan Kheyraadka Badda, halka Dowladaha kale ay iyaguna kusoo duuleen Badda iyaga oo qodob ka dhigtay inay ka hortagayaan waxa ay ugu yeeren Burcad-badeeda Somalia ee qafaasho maraakiibta.

Axmed Salaad wuxuu sheegay in dhammaan qodobadaasi uu sabab u yahay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, waxa uuna dhanka kale Siyaasiyiinta ku dhaliilay in masiirka Umadda Soomaaliyeed ay ka hormariyeen tan beelahooda, sida uu haddalka u dhigay.

Xassan Sheekh ayuu ku sheegay inuu meel fog geeyay Somalia, waxa uuna cadeeyay inay jiraan Heshiisyo badan oo ay ka warqabaan inuu u saxiixay Beesha caalmaka, taasi oo aan la shaacin.

Xassan Sheekh iyo Siyaasiyiinta la dhacsan Siyaasada uu ku hagaayo dalka ayuu ugu baaqay inay u baqaan Umadda Soomaaliyeed oo ay joojiyaan beecinta dalka iyo u kala eexashada Beelaha Soomaaliyeed.

Geesta kale, Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay muujiyaan jiritaankooda oo ay hor istaagan wax waliba oo u muujinaaya inay lagu carqaladeynaayo sumcadda Somalia, waxa uuna uga digay inay isha un ka daawadaan dhacdooyinka dalka ka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com