Xasan Shiikh oo ku dhacay bohol uu u qoday CC

Muqdisho(Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dhanaca Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali ayaa sheegaya in Cumar uu shirqool u dhigay Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud.

Ra’isul wasaare Cumar oo Siyaasad ahaan taabacsan qorshaha looga guuraayo Nidaamka 4.5, ayaa Madaxweyne Xassan ka dhaadhiciyay inuu kasoo dabco ku adkeysiga ku dhaqanka Nidaamkaasi.

Cumar C/rashiid ayaa Xassan u sheegay in shaqsi ahaantiisa uu awood buuxda u leeyahay in C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe uu taageero uga keeno xiliga doorashada si uu dib ugu soo laabto kursiga, waxa uuna u ballanqaaday in Xildhibaanada Daarood ay codka siin-doonaan balse marka hore laga tanaasulo 4.5.

Cumar ayaa sidoo kale Xassan Sheekh u sheegay in C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe ay wadaan abaabul ka dhan ah DFS kaasi oo soo ifbixi doona haddii uu fashil kusoo idlaado shirka geedi socodka ee ka dhici doona magaalada Kismaayo.

Wuxuu intaa raaciyay in C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe ay abuurayaan Siyaasado lagu carqaladeynaayo doorashada la filaayo inay ka qabsoonto Somalia, ka horna loo baahan yahay in DFS ay la imaado tanaasul si looga gaashaanto suuragalnimada qorshooyinka ay maleegayaan labadaasi mas’uul.

Xassan Sheekh oo durbadiiba galay Jawo cabsi ayaa Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid u sheegay in Dowladu ay sameyn doonto tanaasul badan, waa haddii shirkaasi uu galo Jawi ismari’waa ah.

Madaxweyne Xassan ayaa iminka muujinaaya tanaasul badan, waxa uuna wadaa qorshooyin uu kula kulmaayo Xubnaha ku dhow dhow ee ku wehliya Siyaasada dalka.

Tirro kamid ah Saaxiibada Xassan Sheekh ayaa diidan in laga tanaasulo Nidaamka 4.5, halka torro kalane ay Xassan Sheekh kula talinayaan in laga gudbo Nidaamkaasi oo qaabab kale ay u maraan doorashada dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu qorshuhu yahay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu ka tanaasulo hadafkiisii ahaa 4.5, inkastoo aan la garankarin isbedelka imaan doona.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com