Xog: Odayaasha Daarood oo Muqdisho baxsad u ah iyo Xasan Sh. oo goos-danbeytka ka qoslaaya

Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in kulamo kala duwan uu la qaato Odayaasha Beesha Daarood.

Madaxweyne Xassan ayaa iminka ku howlan kulminta Odayaasha Beeshaasi, waxaana la sheegayaa inuu kala hadli doono Shirka la filaayo inuu ka furmo magaalada Kismaayo, Go’aanka ku aadan ka tanaasulida nidaamka 4.5, Doorashada dalka ka dhici doonta iyo qorshaha la xiriira xulista Xildhibaanada Baarlamaanka ee la filaayo inay soo doortaan madaxweynaha cusub ee uu yeelan doono dalka sanada 2016-ka.

Ujeedka ugu weyn ee madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ah in Odayaasha Beesha daarood uu ka dhaadhiciyo inay ku dhex milmaan maamulada Jubbaland iyo Puntand.

Madaxweyne Xassan ayaa doonaaya in Odayaasha uu usoo bandhigo in Beesha daarood ay muujiyaan Siyaasad wanaag islamarkaana madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay kala hadlaan in Somalia lagu sii maamulo Nidaamka 4.5, inkastoo taasi uu kala kulmi doono diidmo.

Odayaasha qaar ayaa lagu wadaa inay kasoo ambabaxaan magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, halka tirro kale oo ku sugan magaalada Muqdisho ay kabi doonaan tirooyinka la qorsheynaayo inay muqdisho soo gaaran.

Odayaasha uu Xassan Sheekh doonaayo inuu ku abuuro rabitaankiisa ayaa Siyaasad ahaan u janjeera maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyadoo aan la garankarin waxa uu Xassan kala kulmi doono kulamada Odayaashaasi oo uu la kulmi doono.

Lagama hordhici karo natiijada kasoo bixi doonta kulamada uu Xassan Sheekh isku diyaarinaayo, walow dadka qaar ay qabaan in kulamadaasi uusan kasoo bixi doonin natiijo ka qoslisa Xassan Sheekh oo wali ku dhabar adeegaya in Somalia lagu siimaamulo Nidaamka 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com