Odowaa oo ku dhawaaqay qorshihi laga sugayay

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, ayaa ku dhawaaqay waqtiga uu furmayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiir Odowaa, ayaa sheegay in todobaadka soo socdo shirkaasi uu ka furmayo magaalada Jowhar ayna shaacin doonaan maalinta uu si rasmi ah u furmayo shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Odowaa, ayaa xusay in magaalada Jowhar ay isku diyaarisay marti gelinta shirkaasi, ayna ka muuqato bilic wanaagsan iyo sugida dhanka amaanka kadib markii shalay uu kormeeray goobaha loogu talo galay in shirka lagu qabto lana dajiyo ergooyinka shirka.

“Magaalada Jowhar waa magaalo qurux badan oo isbadal laga dareemaya waana ka muuqataa iney tahay magaalo marti gelinta isku diyaarisay, waxaana sheegayaa in todobaadka soo socda shirka uu ka furmi doono magaalada Jowhar, laakiin maalin anaga ayaa shaacin doono”ayuu yiri Odowaa.

Wuxuu kula dardaarmay laamaha amaanka ee Shabeelaha Dhexe iyo maamulka gobolka iney ka shaqeeyaan xaqiijinta amaanka magaalada Jowhar maadaama magaalada ay tagayaan madax kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com