25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Dowladda DJIBOUTI oo xiriirka u jartay IIRAAN

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow kasoo baxay Dowlada Jabuuti ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladu ay xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Dowlada Iraan.

Warbixin uu baahiyay Telefishinka Dalka sacuudiga ee Al-carabiya oo xiganaaya mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Jabuuti ayaa waxa uu sheegay in Dowladaasi ay ku dhawaaqday inay jartay xiriirka Iraan.

Telefishinka ayaa warbixintan ku soo daabacay Bartiisa Twitter-ka, waxa uuna Telefeshinku sheegay in Dowlada Jabuuti ay ku biirtay Dowladaha farahabadan ee gudaha asbuucaani sida is xigxiga u shaacinaayay inay jareen xiriirka Iraan.

Ilaa Shan Dowladood ayaa shaaciyay in Xiriirka ay u jareen Dowlada Iraan islamarkaana ay Safiiradooda kala soo baxayaan magaalada Dahraan ee xarunta dalka Iraan.

Go’aankaani ay ku mideysan yihiin Dowladaha Islaamka ah ayaa imaaday kadib markii Dowlada Sacuudiga ay dal dashay tirro shiico ah, waxaana arrinkaasi jawaab adag ka baxshay Dowlada Iraan oo Sacuudiga Hanjabaad u marisay hawada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News