Dowlada oo ku dhowaaqday tallaabo ay qaadeyso oo ka dhan ah hoteellada Liido

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble ayaa ka hadlay dhaqan xumo sanadihii u dambeeyay kusoo badanayey Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Wasiir Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in Wasaaradda aysan marnaba indhaha ka qarsan karin arrimaha anshax xumada ah ee ka socdo Liido, islamarkaana ay laamaha amaanka la kaashan doonaan wax ka qabashada arrimahaas.

“Waxaa wadanka kusoo badanayey faaxishada munkarka iyo daroogada ayaa kusoo badanayey. Irbadii iyo kaniinigii loogu tala-galay qof xubinkiisa la jaro lagu daroogeeyo si uu xanuunkaas uu u dareemin ayaa waxaa cabaya qofkii oo miir qaba oo xubin laga jareyn, khamradii ayaa banaanka daadsan oo xad la’aan ku socota,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.

“Huteelada Xeebta Liido waxaa ku batay wax aanan indhaha laga qarsan karin mana u dul-qaadaneyno tallaabo deg deg ah ayaa laga qaadi doona anaga oo kaashaneyna hay’addaha amniag.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in isticmaalka mukhaadaradka ay si xad dhaaf ah ugu dhex baaheen caasimada, kuwaasi oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin shilalka badan ee ka dhaca caasimada.

“Shirkadda TikTok Soomaaliya uma dulqaadan karto waa xumaan socota waa Anshaxii iyo Akhlaaqdii ummadda Soomaaliyeed oo sii dhimaneysa, waa wax aad iyo aad looga xumaado.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in loo istaago wax ka qabashada xumaanta iyo mukhaadaraadka kusoo badanaya caasimada, islamarkaana ay culimadu si weyn uga wacyi-galiyaan bulshada.