Degmo ka mid ah Muqdisho oo haddii maqrib la gaaro aan banaanka loo bixi karin

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadweynaha degmada Kaaraan ayaa cabasho xoogan kasoo saaray amniga degmada oo faraha ka baxay iyo tacadiyo joogto ah oo ay la kulmaan xiliyada habeenkii.

Qaar kamid dadkaas oo la hadlay idaacada Kulmiye ayaa sheegay in dilal kala duwan ay maalmihii u dambeeyen ka dhacay degmada Kaaraan, ayada oo maanta ugu dambeysay Askari ka tirsan dowladda hoose.

“Waxaa rabnaa in hurdada laga kaco oo ay soo fara-geliyaan dhibaatada na haysta maamulka gobolka Banaadir iyo Taliyaha ciinka booliska Soomaaliyeed, ayna soo kormeeraan dhibaatada ay wajahayaan degmada Kaaraan,” ayuu yiri mid kamid ah shacabka degmada.

“Kaaraan haddii maqribka la gaaro subhanallah waaye, guriga lagama bixi karo hadda xaafadeyda ku jira oo qof walba oo wacdo gurigiisa kama bixi karo, aad ayaa dhibaato u qabnaa ciyaal Weero ayaa u daran.”

Sidoo kale waxay dhaliil u jeediyeen maamulka cusub ee degmada Kaaraan oo intii uu joogay sare usii kaceen falalka amaan darada ah ee ka taagan degmada, islamarkaana ay wada-shaqeyn fiican ka dhaxeyn laamaha amaanka, sida ay sheegen.

“Maalin dhoweyd Saldhiga agteyda ayey qof ku dileen oo waxa la geeyay Isbitaal oo hore ayuu ka dhintay, waxaa rabnaa in maamulka uu wax ka qabto,” ayuu yiri mid kamid ah shacabka degmada.

Ugu dambeyntiina waxay ka dalbadeen laamaha amaanka iyo maamulka inay si wada-jir ah uga shaqeeyan amaan darada degmada Kaaraan, oo sanadihii u dambeeyay ay ka dhacaan dhacdooyin xanuun badan .