DF oo si rasmi ah u shaacisay arrimihii sababta u ahaa inay ceyriso Simon Mulongo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay arrimihii loo ceyriyay danjire Simon Mulongo, oo ah ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in Mulongo lagu helay inuu isku dayay inuu is hortaago baaritaankii dadkii ciidamada AMISOM ku xasuuqeen Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxa uu sheegay in danjire Simon Mulongo uu burburiyey heshiis dowlada federaalka iyo Midowga Afrika ku galeen in taagero la siiyo dad uu sheegay in dhibaato loogu geystay xerada Xalane.

“Midowga Afrika waxaan u sheegnay in aan ninkaas digniino badan ka bixinay, haddana aaN taagannahay meeshii ugu dambeysay, oo ah in nalaga beddelo. Waxaa sidoo kale madaxda dalkiisa Uganda gaarsiiyay arrintaas, si shakhsi nuucaas oo kale aanan ka ogolaan inuu xiriirkeenna xumeeyo,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee dowladda federaalka.

Waxa kale oo uu ku eedeyay danjire Mulongo inuu faro galin ku sameeyay ganacsiyo ay dad Soomaaliyeed ku lahaayeen xerada Xalane, taasi oo sida uu sheegay ka raadinayay dano dhaqaale.

Warqad 4-tii November kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa Simon Mulongo ku eedeysay “inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya,” waxayna ku amartay inuu dalka uga baxo toddoba maalmood gudahood.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Mulongo ayaa ku kacay xadgudubyo ay ka mid yihiin; arrimo dhaawacaya qarannimada Soomaaliya, baqemaal (Black Mailing) ka dhan ah siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah madax Soomaaliyeed, u jaajuusidda hay’ado shisheeye, iyo qodobo kale.

Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in arirnta dhaawaceysa qarannimada Soomaaliya ee lagu eedeeyey Mulongo ay tahay inuu caqabad ku noqday qorshaha kala guurka Soomaaliya “Somali Transition Plan” oo ah isku dayga ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay Amisom ugala wareegto amniga, dalkana ay uga baxaan ugu dambeyn 2023.

Midowga Afrika ayaa bishii tagtay soo jeediyey qorshe kaas ka duwan oo ah in howlgalka Amisom loo beddelo mid ay ku mideysan yihiin QM iyo Midowga Afrika, kaasi oo dowladda federaalka ay ka hortimid.

Mulongo ayaa la rumeysan yahay inuu yahay maskaxda ka dambeysa qorshahaas, ay sida weyn u diiday dowladda federaalka.