Guddiga xalinta khilaafaadka oo go’aan kasoo saaray kursiga Mahdi Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa go’aan rasmi ah kasoo saaray dacwaddii laga gudbiyey kursiga golaha shacabka ee dhawaan loo doortay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Guddiga ayaa sheegay in kursiga Golaha Shacabka ee uu kusoo baxay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed loo maray habraacii saxda ahaa, sidaasna ansax ku yahay.

Guddiga ayaa sheegay inay baaritaan dheer ku sameeyeen dacwadda uu soo gudbiyey xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo horey ugu fadhiyey kursigaan, islamarkaana aysan jirin wax ka khaldan habka loo maray doorashada kursigaan.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu yiri:

Guddiga Xalinta Khilaafanadka Doorashadadka Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Qodobada 1, 2 iyo 4 ee ku xusan xilalka iyo waajibaadka GXKHDD ee Habraaca lagu dhisay guddiga oo soo baxay 1- dii Oktoober 2020, cuskanaayana heshiiska odayaasha dhaqanka iyo cadeymaha guuddiga loo soo gudbiyay wuxuu go’aamiyay :

1- In Hanaanka loo maamuley Doorashada Kursi Lanbar HOP#239 uu yahay mid sax ah oo waafaqsan Habraacii loo dajiyay Doorashooyinka dadban 2020/2021, sidaas darteed waxuu ku wargalinayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) in ay u fasaxan yihiin laga bilaabo maanta oo ah 08/11/2021 Ku dhawaaqista Natiijada Rasmiga ah ee Kursi Lumber HOPH239.

Tallaabadaan ayaa ka dambeeysay kadib markii Xubnaha Guddiga uu dacwad u gudbiyay Xuseen Carab Ciise oo kursiga ku fadhiyay Afartii Sano ee la soo dhaafay, taas oo ugu dambeyn Maanta go’aan ka gaareen.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddiga oo dhameystiran