Video: Zakariye oo shaaciyey tallaabo la xiriirta diyaaradihii DRONE-ka oo uu qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo mudo 15 maalmood ah diyaarado uu dalka soo geliyey ay ka heysato hey’adda Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay in amarka madaxweyne Farmaajo looga heysto hantidiisa, isagoo shaaciyey in dacwad uu ka gudbiyay Madaxweynaha iyo guud ahaan saraakiisha ku xiran Madaxtooyada.

Xildhibaan Zakariye oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa si faahfaahsan uga hadlay waxa ay yihiin diyaaradahaan, cidda ka heysata, halka uu ka soo iibiyey, sababta uu u soo iibsaday, kulamo gaar ah oo Madaxweyne Farmaajo uu kala sheegay arrintaan iyo dacwad uu u gudbiyey maxkamadaha dalka.

Xildhibaan ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray tuhunka laga muujiyey diyaaradaha uu la soo degay ee ah inay qatar ku noqon karaan amniga oo weerarro lagu geysan karo, sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu balan la xariirta diyaaradahaan uga baxay.

“Madaxweyne Farmaajo ayaan madaxtooyada ugu tegay waxaan kala hadlay diyaaradahaan iyo hanaanka aan u keensaday, waxaan u sheegay in amniga dalka aysan qatar ku aheyn, waxuu igu yiri ma hubtaa Zakariyow, haabaan ku iri madaxweyne, haye anigaa jawaab ku soo siinaa ee Axada ii soo noqo ayuu igu yiri, markii aan ku laabtana waxuu igu yiri dowladda Mareykanka ayaa arrintaan soo faragelisay oo heysata diraadahaagii,” ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Sidoo kale Xildhibaan Zakariye waxa uu sheegay in madaxweynaha uu kula dooday in dalka uu isagu madaxweyne ka yahay oo Mareykan uusan ka talin, balse uusan ka helin jawaab fiican, sidoo kale Taliyaha NISA ayuu sheegay inuu balan uga baxay kadib markii uu u balan qaaday inuu siinayo diyaaradihiisa.

“Taliyaha NISA ayaa igu yiri Arbacada ayaan ku siinayaa diyaaradahaaga, markii aan ku laabtay Arbacadii waa iga qaban waayey taleefankii albaabkana waa iga furi waayey, markaan ka soo laabtay ayaan baraha bulshada ku arkay sawirro laga soo qaaday diyaaradaheygii oo la baahiyey,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Waxa uu sheegay in diyaaradahaan uu ka soo iibsaday Turkiga, uuna u keensaday inuu ku waraabsado beero uu leeyahay, sidoo kale waxa uu sheegay in wax qatar ah aysan amiga ku keeni doonin, isagoo balan qaaday inuu u hoggaansami doono go’aan kasta oo dowladdu ay ku soo rogto diyaaradahaas si joogto loogu koontoroolo.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay inuu dacwad ka dhan ah madaxtooyada uu u gudbiyey maxkamadaha dalka, isla markaana uu ka war sugi doono garsoorka, waxa uu sheegay in hadii dowladdu ay ka iibsato diyaaradaha uu diyaar u yahay, hadii kale uu ka doonayo inay ku soo wareejiso hantidiisa.

Dowladda Soomaaliya illaa hadda ma shaacin sababta ay u heysato lixdaan diyaaradood ee Xildhibaan Zakariye kala soo degay garoonka Aadan Cadde, dhanka kale qaar ka mid ah mucaaradka sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa shaki ka muujiyey sababta xilligaan dalka loo keenay diyaaradahaas, waxayna dalbadeen in aad loo hubiyo.

Hoos ka daawo