Midowga Afrika oo qaaday tallaabo jawaab u ah ergeygii ay ceyrisay DF + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa maanta qaaday tallaabo uu uga jawaabayo ceyrintii ay Soomaaliya ku sameysay ku-xigeenka ergeyga ururka u qaabilsan Soomaaliya Simon Mulongo.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika (AU-PSC), waxaana wafdigaas hoggaaminayey Safiirka Masar u fadhiya dalka Itoobiya, ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika Danjire Dr. Maxamed Cumar Gad.

Wafdigaas waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku qaabilay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM Danjire Francisco Madeira, Taliyaha ciidamada AMISOM, Lt Gen Diomede Ndegeya, Taliyaha Booliska AMISOM, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska AMISOM Augustine Magnus Kailie iyo xubno kale.

Xog ay Caasimada Online ka heshay imaanshaha wafdigaan ka socda Midowga Afrika ee magaalada Muqdisho ayaa sheegeysay inuu daba socdo go’aankii ay dowladda Soomaaliya dalka uga ceyrisay ku xigeenkii wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo.

Wafdigaan oo caawa ku hoyanaya magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay la kulmaan Madaxweyne Farmaajo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wakiillada beesha caalamka eek u sugan Xalane.

Dowladda Soomaaliya ayaa danjire Simon Mulongo ku amartay in todoba cisho uu dalka uga baxo, waxuuna go’aankaasi abuuray madmadow iyo kulamo is daba joog ah oo madaxda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay ka yeelanayaan arrinta lagu eryey wakiilka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in Mulongo lagu helay inuu isku dayay inuu is hortaago baaritaankii dadkii ciidamada AMISOM ku xasuuqeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxa uu sheegay in danjire Simon Mulongo uu burburiyey heshiis dowlada federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay ku galeen in taagero la siiyo dad uu sheegay in dhibaato loogu geystay xerada Xalane.

“Midowga Afrika waxaan u sheegnay in aan ninkaas digniino badan ka bixinay, haddana aan taagannahay meeshii ugu dambeysay, oo ah in nalaga beddelo. Waxaa sidoo kale madaxda dalkiisa Uganda gaarsiiyay arrintaas, si shakhsi nuucaas oo kale aanan ka ogolaan inuu xiriirkeenna xumeeyo,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee dowladda federaalka.