Maxay isku hayaan jamaahiirta Xasan Sheekh, Kheyre, Shariif iyo CC Shakuur?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taageerayaasha midowga musharixiinta mucaaradka ah ayaa si weyn ugu loolamaya baraha bulshada, waxaana u muuqda iftiin aysan dadka dhan u wada jeedin oo ah kursi la qaadanayo madaxweyne Farmaajo kadib.

72 saac ee lasoo dhaafay shaqada ugu weyn ee baraha bulshada dhanka Soomaalida iyo qoraaladii ugu badnaa ee la abuuray waxay u dhaxeeyeen taageerayaasha afar musharax oo kawada tirsan midowga musharixiinta.

Kooxahaan waxay isku diidan yihiin kursi aan la hubin cidda qaadan doonta mucaarad iyo muxaafid, inta aanba kursiga la gaarin aan dhahno doorasho aan la hubin.

Jamaahiirta Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa aad isugu naqdiyey baraha bulshada, oo qaarkood ku fogaaday madaxda.

Dadka farriimaha gudbinaya qaarkood waa howl-wadeeno u shaqeeya musharixiintaas, qaar siyaasad ahaan u taageersan iyo kuwa beel ahaan u taageersan ayey isugu jiraan.

Doodaha intooda badan waxay ku fooraraan Xasan Cali Kheyre, waxayna siyaasadda Xamar noqotay in marba musharax miiska la saaro, waxaana la iibiyaa inuu heysto fursad wanaagsan, hadba siyaasiga markaas la iibiyo inuu sare u kac sameeyey waxa uu yeeshaa cadow u badan musharixiinta kale iyo taageerayaashooda.

Waayahaan marka la eego hadalheynta dhanka siyaasadda iyo sida doorashada ku socoto waxaa Muqdisho aad looga hadal hayaa Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Kheyre, waxaana taas sii dheer inay waayadaan labadoodu aad isugu soo dhawaadeen siyaasad ahaan.

Maadaama hadda labadaas nin uu warkooda suuqa si weyn u yaalo, waxaa la sheegay inuu ku socdo dagaal siyaasadeed oo isla musharixiinta dhexdooda ah.

10-kii bilood ee lasoo dhaafay marba musharax ayaa sameeyey sare u kac aan dhaafin afka, waxayna dad badan ku wareersan yihiin sida sheekooyinkaan loo abuuro, maadaama aysan jirin wax weyn oo dhammaan xubnaha midowga musharixiinta sameeyeen oo lagu kala hormarin karo intii ay isku safka ahaayeen.

Fahamka ugu dhow waa miisaanka uu leeyahay fadhi ku dirirka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sida ay u fududahay in hadba aragti cusub la iibiyo.

Dagaalkaan hadda ka socda baraha bulshada cinwaankiisu waa rajo la dirir, hadba waxaa lagu jiheeyaa qofkii la sheego inuu rajo leeyahay.

Afartaan musharax inta aan la gaarin dagaalka cidda kursiga qaadan doonta, waxaa sidoo kale heysta walaac ku saabsan rajo xumada doorashada. Qofka kursiga qaadan doono inta aan la gaarin waxaaba gacan ku jirin doorashadii.

Meeshii ay musharixiinta iyo jamaahiirtooda xoogga saari lahaayeen sidii lagu abuuri lahaa cadaadis dalbanaya in doorashada la dadajiyo waxay u jiheysteen mudnaanta kursiga.

Intaas waxaa dheer musharixiinta iyo qaar jamaahiirtooda kamid ah waxay inta badan u dhigaan doodooda sida in Farmaajo ka haray tartanka.

Mar walba xilli doorashada Soomaaliya, madaxweynaha xafiiska jooga waa ninka ugu fursadda badan tartanka doorashada, sida laga bartay diiwaankii hore. Inkastoo laga adkaaday dhammaan madaxdii xafiiska u tartantay iyagoo kursiga ku fadhiya oo uusan midna soo noqon, hadana doorasho walba iyagaa hoggaaminayey fursadaha iyo wareegga koowaad ee codeynta.

Dagaalka u dhaxeeya jamaahiirta xubnaha mucaaradka wuxuu dhinaca kale nafis siyaasadeed u yahay kooxda madaxweyne Farmaajo oo hadana inta ay mucaaradka isku maqa yihiin heli doonta fursado ay isaga daweeyaan dhaawacyada ku yaalla ee ka dhashay habkii qaldanaa oo ay dalka u maamuleen afartii sano ee lasoo dhaafay.