Mahadhada edeegsiga erayga “persona non grata” ee DF

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa todobaadkan waxaa ay ‘persona non-grata’ ka dhigtay Simon Mulongo oo ah ku xigeenka ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxayna ku amartay inuu 7 Maalin dalka uga baxo, Mulongo oo ka jawaabay ayaa ku dooday in aanu ogeyn sababta, mugdina ay ku jirto.

Haddaba, waxaa muran ka jiraa xeerka iyo qaabka loo marayo marka ergay la ceyrinayo iyada oo horay Qaramada Midoobey ay u sheegtay markii ay Soomaaliya ceyrisay Nicholas Haysom in ay qalad aheyd oo “persona non grata” aan loo isticmaalin ergada Qaramada Midoobey.

Qoraal 4-tii January 2019-kii kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in erayga ’’persona non grata” aan loo adeegsan ergada ay dirsato UN-ka

“Mabda’a “persona non grata” ma khuseeyo shaqaalaha Qaramada Midoobey si uu qeexayo heshiiska “Vienna Convention “ ee 1961 Vienna Convention ee xiriirka diblomaasiyadda.  Persona non grata waxaa loo adeegsadaa diblomaasi uu dal soo dirsaday, oo loo marayo xiriirka labada dal, ee Qaramada Midoobey ma aha dal, shaqaalaheedana ogolaanshiyo kama heystaan dalalka loo diro, ee waa loo diraa, waxyna ka hoos shaqeeyaan xoghayaha Qaramada Midoobey,” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Abuukaate Daahir Carab oo aan weydiinay sababta Soomaaliya ay ugu isticmaasho“persona non grata” hey’ado aan loo isticmaalin waxaa uu ku jawaabay “Waxay aqoon darri ka heysa xeerarka caalamiga ah, waxay ka dhigan tahay in xukuumadda aaney heysan la taliyeyaal arrimaha sharciga caalamiga ah, mana yaqaanaan sharciyada caalamiga ah, arrintan waa ceeb diblomaasiyadeed, waxayna Soomaaliya u geli doontaa arkeefiyada caalamka, oo waxyaabo cusub, oo lala yaabo ayey curiyeen.”

Mar aan weydiinay, Maxaa loo baahan yahay ayuu noogu jawaabay, “Waa in wasaaradda ay shaqaaleysiisaa la taliyeyaal micno leh, oo yaqaana qaanuunka dowliga ah, yaqaan sidee loo buriyaa dadka? xeerkii la isticmaalaa, oo wax baari kara, oo yaqaan shaqada?”.

Prof Xasan Sheekh oo PHD ka heysta xiriirka caalamiga ah waxaa uu ku dooday in madaxweynaha uu yahay ’’Chief diplomat and foreign policy”, tiiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo aanu fahamsaneyn waxa uu ka shaqeeynayo, waqtina aanu ku bixin isaga oo arrinta ah inuu “persona non grata” u isticmaalo ergay ku tilmaamay iney sabab u tahay saddex arrin.

1 – In aau waqti ku bixin sharci caalalami, aqoonna u laheyn isaga iyo kuwa la jooga, Soomaaliyana ceebeeyeen.

2 – In uu raadinayo inuu indhaha caalamka isku soo jeediyo, oo uu dhaho weli aniga ayaa madaxweyne Soomaaliya ka ah, oo hey’adaha caalamka ay hadal-hayaan.

3 – In uu la hadlayo dadka gudaha Soomaaliya, oo taageerayaashiisa usoo sheegayo inuu shaqeeyo, dalkana maamulo.

Dhannkiisa Abuukaate Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame ayaa isna Goobjoog News u sheegay in qofka ay dowladda Soomaaliya ka codsatay inuu baxo uu yahay ergay, aaney dowlad soo dirsan, kuna joogin dalka rabitaanka Soomaaliya, oo xataa marka uu imaanayey aan lagala tashan halka  “persona non grata” loo adeegsan karo oo keliya qof safiir ah, oo dowlad soo dirsatay, warqado hordhigay dowladda ayna aqbashay, isaga oo arrinta uu maamulka Farmaajo sameeyey ku sheegay ismiidaamin siyaasadeed iyo qardajeex ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda iyo ceebeynta Soomaaliya.

“Ergay iyo Safiir waa kala labo, ergayga hey’adaha ay Soomaaliya xubinta ka tahay ay soo dirsadaan sida UN-ka iyo Midowga Afrika kuma yimaado rabitaanka Soomaaliya, mana aqbalaan ee waa shakhsi loo soo diray inuu filiyo halwgal gaar ah, halka safiirka uu soo maro wasaaradda arrimaha dibadda, warqadana laga guddoomo, marka ergay looma isticmaali karo ‘persona non grata,” ayuu yiri.

Maamulka Farmaajo 5-tii sano uu joogay keliya “persona non grata” kama dhigin Simon Mulongo iyo Nicholas Haysom, ee waxaa jiray shakhsiyaad iyo hey’ado kale dowli ah uu ceyriyey, qaarkood ayuu sababo u raadiyaa, qaarna maba soo bandhigo, taasi oo siyaasadda arrimaha dibadda ka dhigtay mid mugdi ah, oo aan fadhin.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid