GREECE oo tahriibayaal SOOMAALI ah dib ugu soo celiyey waddanka Turkiga

Greece (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada ee dowladda Greece ayaa gacanta ku dhigay tahriibiyaal Soomaali ah oo doonayey inay gudaha u galaan dalkaasi, waxayna ugu dambeyn dib ugu soo celiyeen dalka Turkiga oo ay markii hore ka baxeen tahriibayaashaas.

Wararka ayaa sheegaya in tahriibayaasha Soomaalida ah marka la qabanayey ay la socdeen laba doonyood oo si sharci darro ah ku galay Greece, balse ay gacanta ku dhigeen ciidamada ilaalada xeebaha wadankaas oo dib markale ugu soo celiyey halkii ay ka baxeen.

Tahriibuyan ayaa gaaraya illaa 31 qof, waxaana 14 ka mid ah ahaayeen rag, halka 14 ay haayeen dumar iyo saddex carruur ah oo ay wateen.

Dowladda Greece ayaa ku gacan seertay inay qaabisho tahriibayaashaasi, iyada oo ka biyo diiday inay gudaha u galaan dalkeeda oo jid mar u noqday muhaajiriinta ku socoda Yurub.

Sidoo kale waxa ay dowladdu shaaca ka qaaday in ay dhowr jeer oo hore ay xirtay tahriibayaal badan oo ay ku jiraan kuwa Soomaali ah oo sharci darro ku galay Greece.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Turkiga ee ku aadan tahriibiyaasha Soomaalida ah ee la sheegay in dib loogu celiyey gudaha dalkaasi.

Si kastaba, Greece waxaa haatan u degsan sharciyo aad u adag oo lagu xakamenayo soo galootiga sharci darrada ah ee waddankaasi oo xuduud la leh Turkiga.