Ahlu-Sunna oo raadineysa doorkii madaxa xukumadda Galmudug ee la baabi’iyey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guud ee Ahlu-Sunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, ayaa arrimo badan uga hadlay wareysi uu siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da.

Mowduuca diiradda la saarayay waxa uu ahaa mowqifkiisa ku aaddan xaaladda Galmudug, kaddib dagaalkii dhawaan Guriceel ku dhex maray ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa maamulka Galmudug oo gacan ka helayey ciidamada dowladda federaalka.

Dagaalkaas ayaa soo idlaaday kaddib markii xoogagga Ahlu-Sunna ay ka baxeen magaalada Guriceel oo ahayd halka lagu dagaallamayay, waxaana wixii xilligaas ka dmabeeyay ay hoggaanka Ahlu Sunna sheegeen in qorshahoodu uu yahay “in ay sii wadi doonaan fikirkii ay ku shaqeynayeen iyo qaabkii ay u shaqeynayeen, oo ahayd inay dadkooda iyo shacabkooda u hiilliyaan mar kasta oo ay uga baahdaan.”

Macalin Maxamuud oo nasiib darro ku tilmaamay dagaalkii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay Guriceel ayaa sheegay sheegay in ay joogaan banaanka magaalada Guriceel, isla markaasna ay wadahadal uga bexeen magaalada, hadana uusan jirin wadahadal socda.

“Ahlu sunna Guriceel way u dhow dahay, meel bay joogtaa, waxayna ku baxday codsi uga yimid culimada Islaamka oo Ahlu-Sunna Waljamaaca ah iyo dad madax ah,” ayuu yiri.

Wadahadalka ayuu sheegay in ay ku galayaan labo darajo oo kala ah inay yihiin “Ahlu Sunna iyo in ay leeyihiin doorka Ra’iisul Wasaarenimo ee maamul goboleedka, halka dhanka kalena ay u dhaafayaan doorka madaxweynaha.”

“Yaa ka qaaday Sheekh Shaakir Madaxda Xukumadda ma anakaa ogolaanay oo dhahnay xilkii hala qaado, hada ayuu sidii noo yahay, marka dowlad ayaan nahay. Laba dowladood oo isku yimid ayaan nahay, marka labadii dowladood ayaan wax ku qayb sanaynaa,” ayuu ku dooday Macalin Maxamuud.

Waxuu intaas ku sii daray, “Xalku waa in la wada fariisto oo qof walba xaqiisa laga hadlo. Haddii wadahadal nalala gali waayo, waxaan iska wadaneynaa dowladnimadeenna, ciddii nasoo weerartana waan iska celineynaa.”