25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Dowladda Qadar oo Muqdisho ka dhisaneysa safaarada labaad ee ugu weyn dunida

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay mas’uul ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia, waxaa socda qorsho ay dowlada Qadar magaalada Muqdisho uga furaneyso Safaarad cusub.

Qorshahaani ayaa waxaa dowlada Qadar ka garabsiinaya Wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia, waxa uuna qorshuhu yahay in laga raro dhismo KMG ah oo iminka ay ka degan tahay eeryada Isgooyska LM4, gaar ahaan dhismihii hore oo ay degneyd Safaarada Turkida.

Dowlada Qadar ayaa dooneysa in dhismaha Safaarada cusub ay ka dhigato Safaarada labaad ee ugu weyn Somalia oo ay ku leedahay dowlad Shisheeye iyadoo lamid dhigeysa Safaarada Turkiga ee Muqdisho.

Dhismaha Safaarada Qadar ee Muqdisho ayaa jawaab u ah go’aankii dowladda Soomaaliya ay dhex dhexaadnimada uga qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka.

Sidoo kale, dowlada Qatar ayaa dooneysa inay muujiso doorkeeda arrimaha Soomaaliya, isla markaana dhisme safaaradeed oo rasmi ah ku yeelato Caasimada Soomaaliya.

Dowlada Somalia ayaa si dadban u garabtaagan dowlada Qadar oo cadaadis Siyaasadeed kala kulmeysa dalal carbeed.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News