Xildhibaan Dalxa oo ka hadlay awooda iyo tirada xildhibanada mooshinka ka wada Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaanahani la hadal hayay mooshin ka dhan ah Xukuumada Somalia, ayaa waxaa arrintaasi si faahfaahsan uga hadlay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan BFS.

Xildhibaan Dalxa oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Mooshinka uu yahay mid weli taagan.

Xildhibaan Dalxa ayaa qiray in Mooshinka uusan aheyn mid ay u dhanyihiin Xildhibaanada, balse waxa uu sheegay inuu yahay mid ku kooban Xildhibaano gaara.

Dalxa waxa uu wareysigiisa Idaacada SMN ku sheegay in Mooshinka oo markii hore ahaa mid qafiifay uu sii xoogeystay wixii ka danbeeyay go’aankii ay DFS ka qaadatay xiisada wadamada Khaliijka.

Waxa uu tilmaamay inay jiraan Siyaasiyiin kale oo ka faa’ideysanaya murankaasi oo iyaguna ku dhex milan Mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda.

Dalxa oo wax laga weydiiyay tirada saxda ah ee Mooshin wadayaasha ayaa sheegay inaanu jirin tirro sax ah oo ay ka kooban yihiin Xildhibaanada Mooshinka wada, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Dalxa, waxa uu sidoo kale cod dheer ku sheegay inuu jiro guux siyaasadeed xoogan oo laga dhex dareemayo baarlamaanka gudihiisa kaas oo ku foorara Xukuumadda.

Sidoo kale, Xildhibaan Dalxa ayaa cadeeyay in Xildhibaanada wada Mooshinka ay isku uruursanayaan goobo gaar ah, waxa uuna ku baaqay in la qaboojiyo Mooshinka.

Haddalka Xil. Dalxa ee ku aadan Mooshinka ayaa kusoo beegmaaya xili maalmo un ka hor uu Ra’isul wasaare Kheyre magaalada Kismaayo ka sheegay inaanu jirin Khilaaf iyo muran Xukuumadiisa kala dhexeeya baarlamaanka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com