Dhalinyaro Somali ah oo lagu dilay magaalada Columbus ee Mareykanka + Magacyada

Nairobi (Caasimada Online) – Kooxo hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay Seddex Soomaali ah kuwaa oo uu dilkooda ka dhacay Magaalada Columbus ee dalka Mareykanka.

Dilka Seddexdan ruux ee Soomaalida ah ayaa waxaa xaqiijiyay Hogaamiyeyaasha Somalida ee Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio, waxa ayna tilmaamen in dilkooda uu u dhacay si kedis ah.

Waxa ay Hogaamiyeyaasha sheegen inaan la xaqiijinkarin cida sida rasmiga ah u dishay Seddexda ruux ee Soomaalida ah, balse uu dilkooda ahaa mid lagu soo baraarugay falka kadib.

Kooxaha dilka geystay ayaa rasaas dhowr ah huwiyay Seddexda ruux oo siyaabo kala duwan loo dilay, waxaana kiiska dilka la wareegay Booliska.

Laba ka mid ah dhalinyarada la dilay ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Abdul kadir Ali Yussef iyo Mohamed Ali Mohamed, wiilka saddexaad weli lama helin magaciisa.

Dhinaca kale, Booliska ayaa wada baaritaan ku aadan dilalka ka dhacay Magaalada iyo cida la tuhmaayo ee raadadka baaritaanada ay galeen.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Columbus 
Caasimada@live.com