Dowlada Somalia oo hub iyo gaadiid ka dajisay Doolow

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad siday gaadiid dagaal iyo hub fara badan ayaa lagu soo warramayaa inay saaka ka degtay garoonka degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in diyaaradaasi ay ka ambabaxday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online gaadiidka iyo hubka faraha badan ee la geeyey halkaasi ayaa loogu tala galay ciidanka dowladda ee dhowaan gaaray gobolka Gedo, gaar ahaan kuwii xalay la wareegay Luuq iyo Beled-Xaawo.

Dowladda federaalka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay xoojisay dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Jubbaland ee ay ka wado koonfurta Soomaaliya.

Xiisada u dhexeysa labada dhinac ayaa sii xoogasaneysa marba marka ka dambeysa, iyadoona Jubbaland ay ka digtay ciidamada lagu daabulayo degmooyinka gobolka Gedo.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhaq dhaqaaqyada ay wado dowladda oo sii xoojiyey khilaafka kala dhexeeya hoggaanka sare ee Jubbaland.

Arrimahahan ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo shalay wasiirka amniga maamulkaasi Cabdirashiid Janan oo baxsad ah uu gaaray degmada Beled-Xaawo, kaas oo markii dambe uga sii gudbay dhinaca magaalada Mandera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.