DF Somalia oo war cusub kasoo saartay xiisada kala dhaxeysa isbitalka Turkish-ka ee Yardimeli ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa mar kale ka hadashay xiisadda kala dhaxeysa isbitalka Yardimeli ee Turkish-ka ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay inay laba goor warqad u qoreen isbitalka, oo ku saabsan inay caddeeyaan sharciyadda dalka ay ku joogaan, balse aysan weli ka heli wax sharci ah, islamarkaana aysan ka daba hari doonin.

“Wasaaradda ayaa dowladda mas’uul uga ah arrimaha caafimaadka, waxaana naga go’an inaan dabagalno, sharciyadda ay dalka ku joogaan,” ayey tiri Fowsiya Abiikar Nuur.

Hadalka wasiirka maanta kasoo baxay ayaa daba socda qoraal ay wasaaradda soo saartay labadii bishan oo lagu yiri “Cid kasta oo aan u haysan ogolaansho shaqo iskama bixin karto adeegyada caafimaadka si iskeed ah, mana jirto qolo gaar ah oo wakiil kaga noqon karta Wasaaradda Caafimaadka qorsheynta iyo fulinta adeeg bixinta caafimaadka iyo daryeelka bukaanka Soomaliyeed.”

Xiisadda isbitalka iyo wasaaradda ayaa salka ku haysa dhulka laga dhisay isbitalka Yardimeli oo dowladda ay ku dooday inuu yahay dhul dowladeed, balse ay hay’adda Yardimeli ku ganacsaneyso ayada oo aan lacag ka bixin.

Dhinaca kale, Yardimeli ayaa ku doodaya in dhulka isbitalka oo ku yaalla degmada Xamar Jabab, uu ahaa dhul ay siisay dowladda Soomaaliya ee Shariif Sheekh Axmed,  sanaddii 2011, islamarkaana ay isbital ka dhiseen, si ay ugu faa’iideeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Xog dheeri ah oo ku saabsan sida ay kusoo billaabtay xiisaddan, halkan ka akhriso.