Wasiir Beyle oo shaaciyey dalka labaad ee deymaha ugu badan ku leh Soomaaliya

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa ka warbixiyey kulan gaar ah oo uu dalka Jabuuti kula soo qaatay safiirka Ruushka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mikhail Golovanov.

Beyle oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay inay ka wada hadleen arrimo ku aadan barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu wasiirku shaaciyey in Ruushku yahay dalka labaad ee deynta ugu badan ku leh Soomaaliya, islamarkaana uu kulankooda ku soo dhamaaday is afgarad.

“Djibouti: Waxaan maanta la kulmay Safiirka Dowladda Russia ee Soomaaliya H.E. #Mikhail Golovanov oo aan ka wada hadalnay Arimaha Deyn-Cafinta Soomaliya, Ruushka waa dalka 2aad ee deynta ugu badan nagu leh, wada hadalkeenu waxa uu ku saleysnaa sidii ay deymahaas nooga cafin lahaayeen.” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Dowladda federaalka ayaa dadaal dheer ku bixineysa sidii loo cafin lahaa dhammaan deymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo muhiim u ah maalgashiga dalkeena.

Dhowaan xukuumadda Soomaaliya ayaa buuxisay shuruuudihii ku xirnaa wejiga 4aad ee barnaamjika deyn cafinta, taas oo ay Soomaaliya ku amaantay hay’adda IMF.