Maraykanka, Imaaraadka iyo Israel oo yeeshay kulan sir ah oo loogu tashtay IRAN

Washington (Caasimadda Online) – Sida ay qortay axios Dowladaha Mareykanka, Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta ayaa yeeshay kulan qarsoodi ah oo ka dhan ah Dowladda Iiraan.

Kulankaan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa lasoo  sheegay inay seddexda Dowladood uga hadleen sidii xal looga gaari lahaa xiisadda u dhaxeyso Dowladaha Mareykanka iyo Iiraan si Bariga Dhexe u noqdo aag nabadoon.

Seddexda Dowladood ayaa isku soo hadal qaadayey sidii xiisadaan loogu dhameyn lahaa qaab nabadgalyo ah oo uusan dhiig ku daadan.

Wakaaladda wararka Axios oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa tilmaamtay inuu kulankaan ahaa mid qarsoodi ah oo saxaafadda laga qariyey balse la ogaaday inuu ahaa mid ka dhan ah Dowladda Iiraan iyo sidii loo qiyaameyn lahaa.

Dowladaha Israa’iil iyo Mareykanka ayaa Imaaraadka Carabta u xil saaray arrimaha la xiriira Bariga Dhexe iyo xalinta Khilaafka Dowladda Mareykanka iyo Iiraan.

Sidoo kale Imaaraadka ayaa laga dalbaday inay ka shaqeyso sidii loo wanaajin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo Mareykanka, Iiraan iyo Dowladaha Carabta.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Sarkaal sare oo ka tirsan aqalka Sare, Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiyo Mareykanka iyo xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil.

Netanyahu ayaa waqti badan iyo juhdi ku bixiyey sidii uu xiriir wanaagsan ula yeelan lahaa Dowladda Imaaraadka Carabta si uu ula dagaalo Dowladda Iiraan.