DF oo war kasoo saartay ‘faro-gelinta siyaasadeed iyo midda amni ee Kenya ay ka waddo’ gudaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ka xun tahay faragelin siyaasadeed iyo mida amni, oo ay sheegtay in dowladda Kenya ay ka waddo gudaha Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in faro-gelintaas “aysan u wanaagsanayn xiriirka labada dal iyo shacab ee walaalaha iyo deriska ah, iyo xal u helida mushkiladaha gobolka ee ay ka mid tahay la-dagaalanka Argagixisada.”

“Xuduudaha labada dal waxaa masuul ka ah caasimadaha dalalka, waana iney ka wada shaqeeyaan sidii labada shacab ay ugu wada noolaan lahaayeen nabad iyo barwaaqo. Wixii labada dowladood dhexdooda ah, waxaa jira wadiiqooyin sharci ah oo lagu xaliyo, sida dacwada Badda ee labada dal dhextaala oo ay Dowlada Soomaaliya ku dhegantahay mawqificeeda ahaa in loo dhaafo maxkamada oo laga war-sugo go’aankeeda,” Ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda warfaafinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowladda Kenya inaysan u adeegsan ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya magaca dallada AMISOM faragelinta arimaha siyaasada gudaha iyo khalkhal-gelinta amniga gudaha ee Soomaaliya.

“DFS waxay mar walba raadinaysaa daris wanaag, ixtiraam iyo nabad ku wada noolaasho, waxayna shacabkeeda u balan qaadaysaa ineysan aqbali doonin faraglin iyo khalkhal abuuris, taasoo aysan ku jirin maslaxada gobolka iyo nolosha shucuubta dagta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka aqriso qoraalka