Xog: Muxuu salka ku hayaa khilaafka DF iyo isbitaalka Turkish-ka ee Yardimeli?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay waxay soo saartay warqad ay ugu hanjabeyso hey’ad laga leeyahay dalka Turkiga oo maamusha isbitalka Yardimeli oo ku yaalla degmada Xamar-Jabab gobolka Banaadir.

Haddaba maxay isku hayaan labada dhinac?

Caasimada Online waxay ogaatay in arrinta ka dhaxeysa maamulka isbitaalkaas iyo wasaaradda caafimaadka ay muddo soo taagneed, waana idiin soo gudbi doonaynaa jawaabo ay warbaahinta isku mariyeen maamulka wasaaradda iyo kan isbitaalka.

Ugu horeyn Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdullahi Xaashi Cali oo 29-kii bishii hore ee Janaayo la hadlay VOA ayaa sheegay in wasaaraddu ay wado qorshe dib loogu soo celinayo goobihii caafimaadka dad-weynaha ee hoos tagi jiray wasaaradda caafimaadka, iyagoo gacan ka helaya dowladda Talyaaniga.

“18-ka gobol ee dalka waxaa ku yaallay isbitaallo bixiya adeeg dadweyne oo dowladdu gacanta ku heysay, markii ay dalku burburayna badankood waxay gacanta u galeen shakhsiyaad gaar ah sanadkii hore ee 2019 wasaaradda waxaa u suurta gashay inay dib u soo ceshato labadii isbitaal ee ugu waaweynaa dalka oo kala ah isbitaal Banaadir iyo Martiini, kuwa kalena waan lasoo wareegi doonaa” ayuu yiri Agaasimaha wasaaradda caafimaadka.

Mar uu si gaar ah uga hadlayey arinta Isbitaalka Yardimeli waxa uu yiri, “Isbitaalka Yardimeli oo isagu dhul aad u weyn ku fadhiya badda agteedana ku yaalla waxaa heysta hey’ad la yiraahdo Yardimeli waxay ku doodaa waa la i siiyey, si gaar ah ayey ugu shaqeysataa dadka lacagtooda ayaa loogu adeegaa dhismihiisana waxaa bixiyey dad Turkish ah oo ugu tabarucay, si shakhsi ah ayaana loogu shaqeystaa, dowladana xiriir lama lahan, in badan oo wasaaradu u yeertana wey ka dhega adeegeen.”

“Waxay ku doodayaan dhulkaan anagaa iska leh wasaaraduna waxay ku doodeysaa dhulkan malihid, sharciyadna uma heysatid, dhismahana malihid, marka waxaan ku niri idiinma diidanine sharciyadda maamulka isbitaalku ha cadaato oo heshiis wasaaradda la gal doorka dowladuna ha cadaado” ayuu yiri agaasimaha wasaarada caafimaadka Cabdullahi Xaashi Cali.

Hadaba mar kale 30-kii Janaayo waxaa VOA u waramay isku duwaha isbitaalka Yardimeli oo u jawaabay agaasimaha wasaaradda caafimaadka Cabdullahi Xaashi.

Isku duwaha Isbitaalka, Emre Gitel ayaa yiri, “Dhismaha isbitaalkan waxaan billawnay sanadkii 2011-kii, waxaana adeegiisa bilaawnay 2017-kii adeegyo badan ayaan siinaa dadka Soomaaliyeed, hadalka agaasime Cabdullahi aadbaan uga xumaanay malaha agaasimuhu kama war qabo waxaa jira nidaam qaran oo noo dhexeeya anaga iyo wasaaradda caafimaadka kaas oo qeexaya qaabka uu isbitaalkani u shaqey doono, marka hadalka agaasimaha aadbuu noo taabtay waxaana gaarsii doonaa dadka aan looga maarmin”.

Sidoo kale mas’uulkaan ka tirsan maamulka isbitaalka Yardimeli ayaa sheegay in dhulka sanadkii 2011-kii uu siiyey madaxweyne Shariif Sheekh iyo duqii Muqdisho ee xilligaas, isla markaana ay ka dhiseen dhisme qurux badan iyadoo meeshu horay u aheyd qashin qub.

“Agaasimuhu waxa uu sheegay in Yardimeli uu yahay isbitaal u furan ganacsi, waxaa jira heshiis u dhaxeeya wasaaradda caafimaadka, hey’adda Yardimeli iyo hey’adda Manhal, lacgta aan halkan ka shaqeyno waxay ku laabataa isbitaalka oo u shaqeeya shacabka Soomaaliyeed, tusaale korontada laga isticmaalo isbitaalka waxaa nooga baxda 20,000 oo dollar, waxaana ka shaqeeya 180 qof oo Soomaali ah, marka lacagaha ka soo baxa isbitaalka uma dirno Turkiga ee waxaan kuu sheegayaa in lacago aan ka keeno Turkiga aan ku bixino gudaha Soomaaliya wixii cadeymo ahna waxay ku cadyihiin bankiyada” ayuu hadalkiisa sii raaciyey sarkaalkan Turkiga ah.

Hadaba warqadda ka soo baxday wasaaradda caafimaadka ayaa lagu yiri, “Wasaaraddu waxay xaqiijinaysaa in hay’adaas shaqada ay ka wado Isbitaalka Yardimeli iyo howlaha caafimaad ee kale ay yihiin howlo baal marsan sharciga iyo qawaaniinta dalka u dagan.”

Wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay inay ayada ka mas’uul tahay dhamaan adeeg bixinta caafimaadka dalka, ayna dalka ka shaqeyn karin cid aan ayada ogolaansho ka haysan.

“Cid kasta oo aan u haysan ogolaansho shaqo iskama bixin karto adeegyada caafimaadka si iskeed ah, mana jirto qolo gaar ah oo wakiil kaga noqon karta Wasaaradda Caafimaadka qorsheynta iyo fulinta adeeg bixinta caafimaadka iyo daryeelka bukaanka Soomaliyeed,” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxay Wasaaradda Caafimaadka ka qaadanaysaa dadka u bareeray jabjnta sharciga iyo ku tumashada qawaaniinta tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka iyo qawaaniinta caalamiga ah.”

Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhinaca kale sheegtay inay dadka iyo dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga uga mahad celinayso is garab taagooda walaalnimo iyo gurmadka baaxada leh oo ay u fidinayaan dadka walaalaha ah Soomaliyeed.

Hase yeeshee waxay intaas ku dartay “Wasaaradda Caafimaadka uma dulqaadan karto in kaalmada bani-aadanimo iyo taakulada walaalnimo ay noqdaan kuwo lagu fushado dano gaar ah, lagana dhigto deeqahaas kuwo laga macaasho oo ganacsi laga dhigto iyadoo dadka Soomaliyeed baahi wayn u qabaan adeegyada caafimaad oo ay ugu deeqeen walaalohood Turkida ah.”

Halkan ka aqriso warqadda