DF oo war cusub ka soo saartay dib u dhac markale ku yimid bixinta baasaboorka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markale dib u dhac uu ku yimid bixinta baasaboorka Soomaaliya, sida lagu sheegay war ka soo baxay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ee dowladda Soomaaliya.

Qoraalka hay’adda ayaa lagu sheegay in isbedal uu ku yimid waqtigii ay horay u shaacisay oo ahaa in todobaad dib loo dhigay qabashada codsiyada baasaboorka, iyada oo sababta ku sheegtay inay sameyneyso howlo dib u habeyn iyo horumarin intaba.

Sidoo kale hay’adda ayaa warsaxaafadeedkaan ku shaacisay in khamiista soo socota ee todobaadkan la billaabayo bixinta Baasaboorka.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay dulqaad muujiyaan mudadaasi.

Halkaan hoose ka aqriso:

“Howlihii farsamo ee ka socdey habka bixinta Baasaboorka oo weli dhamaystirmin awgeed, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudadii hakinta lagu kordhiyey maalmo dheeri ah, waxayna howsha qabashada codsiyada baasaboorka dib u bilaaban doontaa maalinimada Khamiista ah, Taariikhduna tahey Febaraayo 06, 2020” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda.

“Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda waxay ka xuntahey dib u dhaca mar kale ku yimid bixinta baasaboorka, waxayna ka codsanaysaa muwaadiniinta in ay dulqaataan mudada kooban ee howlaha farsamo lagu dhameystirayo” sida lagu yiri qoraalka Hay’adda.