Sheekh Shaakir oo digniin kasoo saaray doorashada maanta ee Dhuusomareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug ee garabka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa digniin ka soo saaray doorashada maanta lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa saqdii dhexe ee xalay qoraal uu soo saaray, kuna qornaa afka qalaad waxa uu gaarsiiyay Beesha Caalamka, isagoo markaasi ka digaya cawaaqibka ka dhalan kara, haddii Dowladda Federaalka iska indho tirto doorashadii maalmo ka hor isaga lagu soo doortay, isla-markaana ay qabato doorashada maanta la fillayo inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa qoraalka ku sheegay inay Dowladda Federaalka dooratay wadadaan, isla-markaana ay sii waddo qorshaheeda ka dhanka ah Xarunta Gobolka iyo daneeye-yaasha siyaasadda.

Sidoo kale waxaa uu Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ka hortimid talooyinkii ay u jeediyeen iyo cabashooyinkoodii ku aadanaa arrimaha maamul u samaynta Galmudug.

Qoraalkan ayuu ku sheegay inay Dowladda Federaalka qaadi doonto masuuliyadda wixii dhimasho iyo burbur ee ka dhasha fowdada uu dowladda ku eedeeyay inay ka abuureyso Galmudug.

Sidaasi daraadeed waxaa uu si naxariis leh uu Beesha Caalamka uga codsaday inay ka hortagto dhibaatada ka soo wajahan doorashada ay dhabarka ka riixeyso Dowladda Federaalka, isla-markaana ay dowladda ku booriyaan in wadahadal nabadeed lagu dhameeyo xaaladan siyaasadeed.

Khilaafkan hareeray dhismaha Galmudug ayaa cirka isu sii shareeray, ka dib markii Dowladda Federaalka lagu eedeeyay inaanay doorashada ka dhigin mid daah-furan, isla-markaana ay cid gaar ahi ku taageereyso. Tani ayaa waxay Galmudug ku jiheysay jid ay saddex maamul ku yeelaneyso Galmudug-tii mideysneyd.