Sawirro: Sanad guuradii 26-aad ee aas-aaska ciidnka Somaliland oo la xusay

Hargeysa (Caasimada Online)  – Somaliland ayaa maanta si weyn ugu dabaal dagtay xuska sanad guuradii 26-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaskii ciidamadeeda qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka qayb-galay Xus ballaadhan oo loo sameeyey Sannad-guuradaasi, isagoona xadhiga ka jaray dhismayaal cusub oo lagu soo kordhiyay Xarunta taliska guud ee ciidamada.

Waxa sidoo kale Madaxweynaha ku wehlinayey munaasibadaasi, Shir-gudoonka golaha wakiilada, qaar kamid ah Wasiirada xukuumadiisa, Maamulka gobolka iyo caasimada, iyo weliba qaar kamid ah Madaxweyne kuxigeenadii hore ee soo maray Somaliland.

Waxana madasha ugu horrayntii lagu soo bandhigay masraxiyad ku qotonta dedaalka iyo kaalinta lama illaawaanka ah ee ay ciidanka qaranku kaga jiraan guud ahaanba Somaliland iyo horumarkeeda.

Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo munaasibadda xuska Aas-aaska sannnad-guurada 26-aad ka hadlay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen ciidanka qaranka, guulaha ay gaadheen iyo dedaalka ay ugu jiraan sidii ay uga mid noqon lahaayeen ciidamada ugu awoodda badan gobolka geeska Afrika.

Taliye Nuux waxa uu caddeeyey inay ciidamada qaranku nafta u hureen difaaca qarannimada, islamarkaana ay ku guulaysteen sugidda xuduudaha dalka iyo gacansiinta shacabka, waxana uu yidhi

“Laga soo bilaabo sannadkiisii koowaad ilaa maanta oo uu 26-jirsaday wuxuu ciidanka qaranku heegan u ahaa difaaca qarannimada lama taabtaanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu diyaar u yahay inuu u huro naftiisa qaaliga ah, wuxuuna ku tallaabsaday fidinta maamulka dawliga ah, sidii uu u sugi lahaa dhammaanba xuduudaha Somaliland iyo gacansiinta ciidamada kale iyo hay’adaha kale ee dawliga ah marka ay sugayaan amniga qaranka iyo gacan siinta dadweynaha marka ay timaaddo xaalad degdeg ahi”

Wasiirka Gashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey guud ahaanba ciidanka qaranka, saraakiishooda, dablayda iyo xaasaskooda, waxana uu xusay inuu ciidanku Astaan u yahay qarannimada iyo dawladnimada, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Ciidanka qaranku waxa uu astaan u yahay midnimada qaranka, taas oo ka turjumaysa dhammaanba ummadda reer Somaliland, sida Distuurka iyo xeerarka ku xusanna waxa uu ciidanku leeyahay mabaa’dii iyo waajibaad qaran, waxana uu u xilsaaran yahay difaaca madax-bannaaniada Jamhuuriyadda Somaliland”.

Madaxweynaha Somaliland oo isaguna ka hadlay munaasibadaasi, ayaa ugu horrayn hambalyo guud u diray ciidanka qaranka, ubadkooda iyo xaasaskooda, waxana uu ku dheeraaday duruufihii iyo marxaladihii ay soo mareen ciidanka qaranka Somaliland oo haatan ah cudud ku filan difaaca qarankiisa.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay inay ciidamada qaranku guteen waajibkii saarnaa, islamarkaana iskaashiga iyo wada-shaqaynta dhexdooda ahi keentay inuu qarankani guulaysto, wuxuuna yiri

“Ciidanka qaranku maanta iyada oo aan la ina ictiraafin ayuu ka xoog weyn yahay ciidamada kuwa la ictiraafay, ka Edaab wanaagsan yahay oo ka adkaysi badan yahay, ciidamada qalabka sida ee kala duwan dhammaantood waxa uu qaranku ugu mahadnaqayaa iskaashi amni iyo xilkii la saaray inay guteen, maantana waxa si wacan u wada shaqaynaya oo isku xidhan ciidanka qaranka, ka Booliska, ka asluubta, ka socdaalka, ka badda iyo ka wardoonka oo haddii ay isku baahdaan daqiiqado dhexdood ku xidhiidha”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sheegay inay ciidamada qaranku dalkooda magac iyo taariikh uga tagaan oo aanay ahayn dheef raadis, waxana uu yidhi, “Adduunyada ninna magac buu u joogaa, ninna dheef buu u joogaa, Ciidamada qaranku waxad ogaataan inay magac doontaan, dalkana wax uga tagaan oo aanay dheef doonin, waanan ku hambalyeynayaa doorashadooda.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu billad-geesi guddoonsiiyey labada taliye qaybeed ee 31–aad iyo 12=aad ee Ciidanka qaranka Somaliland, Gashaanle Sare Cismaan Faarax Cawaale (Dolaal) iyo gashaanle sare Axmed Hurre Haariye oo muddadii ay shaqaynayeen muujiyey adkaysi, shaqo-wanaag iyo masuuliyad, waxaanu madaxweynuhu xusay in ay diyaarinayaan bixinta 750 bilad geesi oo isugu jira dahab iyo qalin.