CC SHAKUUR oo baaq deg deg ah u diray madaxda DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlayey Coronavirus iyo dhibaatada uu ku hayao gudaha wadanka Shiinaha ayaa sheegay in arday badan oo Soomaaliyeed ay haatan ku go’doonsan yihiin magaalada Wuhan oo ah halka uu ka soo bilowday cudurkaas oo ah mid aad halis u ah.

Cabdiraxamaan Cabdishakuur ayaa tilmaamay in weli ardayda Soomaaliyeed aysan wax gurmad ah ka helin dowladda federaalka, islamarkaana ay wajahayaan xaalado adag.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in dowlado ka tabar yar mida Soomaaliya ay muwaadiniintooda u gurmadeen, kalana soo baxeen wadankaasi.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda inay si deg deg ugu gurmato ardaydaasi, si looga badbaadiyo Coronavirus oo la sheego in maalintii uu ku dhoco 3895 qof.

Halkaan hoose ka aqriso:

Waxay ardayda Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Gobollka Wuhan ee dalka Shiinaha ii sheegeen in aysan ilaa iyo haatan gurmad ka helin Dowladda Federaalka ah. Waxay kaloo ii sheegeen in Gobolku uu karantiil ku jiro oo si shakhsi ah looga bixi karin, in ay safaarada dalkaada kaa saarto mooye. Waxay ii sheegeen in dowladaha tabarta yar sida Falastiin Yaman iyo Ciraaq ay dowlado kale la kaashadeen oo ay dadkoodii la baxeen.

Madaxda Dawladda Federaalka ah maadama ay magacii Qaranka maanta iyagu dowladda Soomaaliya ku metalayaan waajib ayaa ka saaran samata bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Wuhan ku go’doonsan.

Dadka gudaha dalka jooga ee dhibaatooyinka caynkaan ahi la soo derisaan, gurmad ayey walaalahooda kale ee Soomaaliyeed ka helaan, laakiin ardayda Gobolka Wuhan ku go’doonsan dowlad keli ah ayaa u gurman karta. Qaran aad magaciisa ku badbaadayso, haddii maalinta aad ugu baahi badan tahay gacan kuu fidin waayo, ma jirto sabab uu macno kuugu sameeyo.

Waxaa la sheegay in Corona Virus ka uu maalintii 3895 ku dhaco. Dowladdu degdeg ha ugu gurmato ardaydaas Soomaaliyeed.