Somaliland oo baaq cusub u dirtay beesha caalamka

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa baaq cusub u dirtay Hay’addaha Beesha Caalamka, xili laga cabsi qabo deegaanada Somaliland in uu dib ugu habsado Ayax hore faro ba’an ugu hayey wax soo saarka beeraha.

Axmed Muumin Seed, Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland oo ka warbixinayey wax soo saarka Beeraha, ayaa Hay’addaha caalamiga ah ugu baaqay inay gacan ka siiyaan sidii looga hortagi lahaa Ayaxaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in Labadii sano ee u dambeysay in uu si weyn u kordhay wax soo saarka Beeraha, kaasi oo uu xusay in uu kordhay 300% halka Shantii sano ee u dambeeyay uu ahaa 67%.

Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in wax soo saarka beeruhu uu intaas ka badan lahaa, balse uu waxyeelo soo gaadhsiiyay Ayaxii ku habsaday deegano farabadan oo kamida Somaliland.

Ugu dambeyntiina waxa uu Wasiirku codsi u diray Hay’addaha Caalamiga ah, isagoona ugu baaqay inay kala qeyb qaataan sidii looga hortagi lahaa dilaacida Koron-koro uu ka tagay Ayaxii hore, midaasi oo xusay inay ku dilaaci karto Roobabka ugu horeeya ee sanadka.

Deegaano ka tirsan Somaliland ayaa waxa hore ugu habsaday Ayax raxan-raxan ah oo galaaftay qeybo badan oo ka mid ah wax soo saarkii Beeraha, sida ay hore u baahisay Wasaarada Beeruhu.