Ciidamada dowladda oo la wareegay gacan ku haynta Beled-Xaawo iyo Doolow

Beled Xaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo heer federaal ah ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow ee gobolkaas.

Ciidamada federaalka ayaa la wareegay Doolow galabta, halka Beled-Xaawo ay la wareegeen caawa, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku haya caawa garoonka diyaarada Doolow.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii tagey ciidamo ku daabuleysay gobolka Gedo, oo qorshuhu ahaa inay si buuxda ula wareegto, taasi oo qeyb ka ah qorshe ballaaran oo ay gacanta ugu wada dhigeyso deegaanada Jubaland.

Qabsashada Beled-Xaawo iyo Doolow ayaa macnaheedu yahay in dowladda ay iminka si buuxda gacanta kugu wada hayso dhammaan degmooyinka gobolka Gedo.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo degmada Beled-Xaawo uu maanta gaaray wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, kaasi oo saacado ku sugnaa kadibna u gudbay magaalada Mandhera ee gobolka waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo ay ku hayso dowladda Kenya.

Booliska Soomaaliya ayaa maanta dalbaday waaran caalami ah oo lagu soo xirayo Cabdirashiid Janan, oo booliska ay sheegeen in 28-kii bishii Janaayo uu ka baxsaday magaalada Muqdisho.