Xog ku saabsan dil caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil caawa kooxo hubeysan ay magaalada Muqdisho ugu geysatay nin oday ah oo sida la sheegay ganacsade ahaa.

Dilka marxuumkan oo magaciisa lagu soo koobay Hilowle ayaa ka dhacay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Suuq-boocle.

Dad goobta ka agdhawaa markii uu dilkan dhacayey ayaa Caasimada Online u sheegay in ruuxa la dilay uu ahaa nin oday ah oo suuqa ku iibi jiray Moos, waxaana goobta iskaga baxsaday raggii geystay dilkaas.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in dilkas ay geysteen laba dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa bastoolado, markii uu dalku dhacay kadib ayaa lagu kala cararay suuqa.

Ciidamo ka tirsan booliska Somaaliya ayaa durba ku baxay goobta uu dilku ka dhacay waxayna gudaha iyo daafaha suuq-boocle ka bilaabeen baaritaano ay ku baacsanayaan dableydii dilkaas geysatay.

Ilaa iyo hada lama oga sababta loo dilay maxruumka, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa.

Sidoo kale ma jirto cid loo soo qabtay dilka ganacsade Hilowle caawa loogu geystay gudaha suuq-boocle oo ku yaalla degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.