Cabdirashiid Janan oo ka baxay BELED-XAAWO iyo wararkii ugu dambeeyey

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa waxa uu galabta iskaga baxay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, oo galinkii hore ee maanta uu ka degay, kadib markii uu ka soo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xubno ka tirsan maamulka degmada Beled-Xaawo ayaa noo sheegay in wasiir Cabdirashiid Janan uu dhulka ah ku gaaray magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, in kastoo ay faahfaahin intaas ka badan aysan bixin.

Cabdirashiid Janan ayaa maanta muddo saacado ah ku sugnaa Beled-Xaawo oo uu ku yimid diyaarad militeri oo ka soo qaaday Nairobi, waxuuna soo dhaweyn kadib kulamo la qaatay sarakiisha ciidamada, maamulka degmada iyo bulshada ku nool Beled-Xaawo, isagoo galabta u baxay dhanka magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Intii uu maanta wasiir Janan ku sugnaa magaalada Beled-Xaawo, ayaa war kasoo baxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Taliska Booliska lagu dalbaday waaran caalami ah oo lagu soo qabanayo wasiir Janan oo 28-kii Janaayo ka baxsaday guri uu uga xirnaa Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay arrinkaas xiriir kala sameysay hey’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL.

Isniintii shalay ee 3-dii bishan, hey’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Kenya inay qabato Cabdirashiid Janan, sla markaana ay u gacan galiso dawladda Soomaaliya si loo maxkamadeeyo, xilligaas oo uu ku sugnaa magaalada Nairobi.