25.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Dowlada Somalia oo loogu deeqay dhaqaale xoogan oo loogu tallo galay….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay maamulka sare ee Bangiga Horumarinta Afrika, ayaa waxaa lagu sheegay in Bangiga uu garab ka geysanaayo xal u helida dhibaatooyinka ka taagan Somalia.

Maamulka Bangiga ayaa sheegay inay saxiixeen heshiis dhigaaya in garab lixaad leh lasiiyo dowladaha Somalia iyo South Sudan oo weli ku guda jira xaalado dhanka bani’aadanimo.

Qoraal kasoo baxay Bangiga Horumarinta Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in Bangigu uu 78 million ugu deeqayo Dowladda Somalia iyo South Sudan.

Lacagtan ayaa waxaa lagu sheegay in wax looga qaban doono macluusha iyo abaaraha ka jira labadaasi dal ee dhex maquuraaya xaalado adag oo dhanka nolosha ah.

Waxaa qoraalka Bangiga lagu sheegay in Somalia la siinayo lacag dhan 33.8 million oo dollar oo ay ka faa’ideysan doonaan 803,000 oo qof oo ku dhibaataysan gudaha dalka Somalia.

Dowladda South Sudan ayaa iyadana la siinayaa lacag dhan 43.8 million oo Dollar oo lagu taageerayo 300,000 oo qof oo ku macluulsan dalkaasi.

Waxaa dhaqaalahan loo adeegsan doonaa gurmad cunto iyo taageero daawooyin oo la gaarsiinaayo dadka u baahan ee ku nool Somalia iyo South Sudan.

Dowlada Somalia ayaa weli ka deyrineysa xaaladaha weli ka jira qaar kamid ah Gobolada dalka oo la rumeysan yahay inaan wax looga qabankarin dhaqaale yar.

Si kastaba ha ahaatee, hay’adaha gargaarka QM ayaa rajo ka muujinaaya nolol xumida kusii baaheyso Gobolada dalka qaarkood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News