Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan Jazeerada Nauru ee dalka Australia ay isku gubtay Gabar Soomaaliyeed, ayaa waxaa arrintaasi xili danbe kusoo baraarugtay DFS.
C/salaan Cumar Hadliye, Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya, ayaa ka hadlay arrintaasi waxa uuna sheegay in dhacdadaasi ay kala hadli doonaan Dowlada Australia.
Hadliye waxa uu sheegay in Dowlada Australia ay xaq u leedahay inay diido aqbalaada Qaxootiga, balse waxa uu tilmaamay inaysan xaq u laheyn inay dayacdo dad mas’uuliyad ka saaran.
Hadliye waxa uu sidoo kale sheegay inay aad uga xun yihiin gabadhaasi isku gubtay Jazeerada Nauru, waxa uuna sheegay in DFS ay la socoto dhacdada la xiriirta Gabadhaasi is gubtay wuxuuna ku sheegay sababta ay isku gubtay, kadib markii Dowladda Australia ay qaabili weyday Qaxooti ay ka mid yihiin dad Somali ah.
Isaga oo la hadlaayay Idaacada BBC-da qeybteeda Afka Soomaaliga ayuu yiri “Gabar 21 jir ah oo is gubta si ay u sheegto oo ay u tusto dareenka dadka Somalida ah iyo dad kale Qaxootiga ah ee Dhagaha laga duubtay, waxaan la soconayaa in Qaxootiga aduunka meel kasta sidaasi loo dhibaayo in Australia ay diiday in wadankooda ay soo gaaraan Qaxootiga cid waliba waa ay la socotaa, Wasaarada iyo Dowladda Somaliya waa ay la socotaa, tabaalada iyo taageerada ay leedahay Dowladda Somaliya in wadanka Somaliya la hagaajiyo in la saaro Dariiq hagaagsan.”
Hadliye waxa uu sidoo kale sheegay in Isaga iyo Danjiraha Dowlada Australia u fadhiya magaalada Nairobi ay xiriir la sameyn doonaan Dowlada Australia si uu yiri ay uga wada hadlaan xaalada gabadhaasi.
Geesta kale, DFS ayaan inta badan mas’uuliyad iska saarin muwaadiniinteeda ku la aneysa Caalamka intiisa kale kuwaasi oo ka carara dhimbilaha rasaasta ee ka dhaca Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

