Dowladda Somalia oo beenisay in Midowga Yurub ay ku wareejiyeen…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa muddo kadib beenisay iney dhul dan guud ah ay ku wareejiyeen wakiilada Midowga Yurub ee SOomaaliya ayna u saxiixeen.

Eng Saalax Cismaan wasiirka howlaha Guud iyo dib u dhiska dalka oo warbaahinta dowlada la hadlayay ayaa beeniyay in dowlada Soomaaliya ay dhul dan guud ah ku wareejisay Midowga Yurub.

Wasiirka wuxuu sheegay in dhulka danta Guud marka la bixinayo iney jiraan sharciyo cad oo la maraa ama in dowlada ay ka dhigataa isbitaalo, xarumo ciidan ama iskuulo, sida uu hadalka u dhigay.

“Wax Midowga Yurub la siiyay ma jirto wax alaale wixii dan guud ah oo loo isticmaali karo ayaa loo isticmaalaa laakiin waxaad sheegeysid meel ay ku qoran yihiin iyo meel ay ku yaalaan ma jiraan waa kutiri ku teyn”

“Saxaafadda waxa ay rabaan ha qoraan, laakiin Dowladda hadii ay bixinayso wax dan guud ah, waxaa loo isticmaalayaa Millateri ama Iskuul, wixii intaasi ka baxsan ma jiraan.” Ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud.

 Hadalka wasiirka ayaa ka dambeeyay kadib markii warbaahinta ay soo bandhigay hishiisyo Midowga Yurub u ogolaanaya iney mashaariic ka sameyso dhul dan Guud ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com