Dhageyso: Puntland oo jawaab kulul siisey Cabdi Qeybdiid

Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Qeybdiid ee uu kaga hadlay duqeyntii Gaalkacyo.

Cumar Cabdulaahi Faraweyne gudoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland ayaa sheegay in marka hore ay cambaareynayaan hadalkii kasoo yeeray General Caydiid.

Gudoomiyaha Nugaal ayaa tilmaamay in Cabdi Qeybdiid uu qaadi doono waxii amni daro ah oo ka dhacaya deegaanada Mudug maadaama Puntland uu ku tilmaamay dad aan nabad dooneyn, sida uu hadalka u dhigay.

Cumar Faraweyne ayaa sheegay in Ummada ku nool deegaanada Puntland ay yihiin ummad nabada jecel, balse sifooyin qaldan laga bixiyay, sida uu sheegay.

C/Qeybdiid oo dhawaan tagay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Galmudug ay ka xumaatay weerarkii askarta badan lagu dilay ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Nugaal
Caasimada@live.com