Qaraxyo lagu qabtay garoonka Muqdisho iyo Amisom oo arkay wax aysan weligood arag

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Saraakiil ka howlgasha Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in ciidamada AMISOM ay fashiliyeen Qaraxyo la doonaayay in laga fuliyo Garoonka Gudihiisa.

Qaraxa oo ahaa mid laga soo buuxiyay gaari nooca raaxada ah ayaa waxaa qabtay Eeyaha ay isticmaalan ciidamada AMISOM, kuwaasi oo inta badan baara gaadiidka raaxada ee gudaha u gala Garoonka.

Sargaalka xogtaani u sheegay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay in Gaariga uu lahaa mid kamid ah shaqaalaha ka howlgala Garoonka, kaasi oo xiligaasi doonaayay in Gaariga uu kasoo galsho iridka Garoonka qeybtiisa ku yaalla dhanka iskuul Buluusiyo.

Sargaalkaani waxa uu sidoo kale sheegay in Eeyaha ka howlgala Iridkaasi ay ku qeyliyeen Gaariga, iyagoo madaxa la’aaday qeybaha gaariga looga soo miineeyay Qaraxyada.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasho Iridka lagu qabtay Gaariga Qaraxyada lagu soo hardhay ayaa sheegay inay arkeen Darawalka oo ay ka muuqato cabsi, balse markii gaariga loo dhaweeyay Eeyaha ay qeyla dhaamiyeen.

Sargaalka ka tirsan ciidamada Iridka waxa uu sheegay inaysan arag Qarax lamid ah sida loogu soo hardhay Gaarigaasi, waxa uuna carab dhabay in Gaariga lala beegsan lahaa Shaqaalaha iyo Ajaaniibta gaadiidka ku dhex wata Garoonka, hayeeshee ay fashiliyeen.

”Waxaan mar waliba u diyaarsanahay inaanu ka hortagno wixii carqaladeynaayo xasiloonida ka jirta Garoonka Aadan Cadde, waxaan marka hore ka shakinay wadaha gaariga, kadibna waxaa qeyla dhaamiyay Eeygii ku qornaa heeganka”

”Weli ma aanan arag waxa aan ku aragnay gaarigaani waayo waxaa laga soo buuxiyay Qaraxyo tan culus leh”

Dhinaca kale, Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in marka hore ay iyaga baarayaan wadaha gaariga, kadibna ay ku wareejin doonaan ciidamada dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com